Maayer Cidin oo Faahfaahiyey waxa ku Kallifay inuu Qori Caaradii Kula Wareego Wershadda Laydhka Berbera

MAAYERKA BERBERA CABDISHAKUUR MAXAMUUD XASAN (CIDIN) 2016

“Waa su’aasha keliya ee aan dadweynaha ka sugayey, ‘Waar maxaad Wershaddii Laydhaka Qoriga ula gashay Jabhadyahaw..? Waxaa igu kellifay… Ninkaygii Taajirka ahaa Markaan Dabaqaddii hoose ku soo dhacay ee Qaadaa-madhargaha ka firka Carruurta maxaad siisaa…” Maayerka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin)

MAAYERKA BERBERA CABDISHAKUUR MAXAMUUD XASAN (CIDIN) 2016
MAAYERKA BERBERA CABDISHAKUUR MAXAMUUD XASAN (CIDIN) 2016

Berbera(Aftahannews):- Maayerka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin, ayaa markii ugu horreysay si furan loo weydiiyey sababta ku kalliftay sannadkii 2008-dii inuu isagoo Hubaysan qabsado Wershadda Laydhka ama Koronta ee Berbera, isla markaana waxa uu markii koobaad si faahfaahsan uga sheekeeyey wixii ku qasbay inuu tallaabadaas qaado.

DADWEYNAHA REER BERBERA EE MAAYERKA SU'AALAHA WEYDIINAYEY 2016
DADWEYNAHA REER BERBERA EE MAAYERKA SU’AALAHA WEYDIINAYEY 2016

Maayer Cabdishakuur Cidin, waxa uu sheegay in dulmi dawladdii markaa jirtay ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin hoggaaminayey uu ka tirsaday, isla markaana isagoo Tijaar ah dabaqadda u hoosaysa nolosha ee Qaadaa-madharkaha loo yaqaanno uu ku soo noqday, taasina ay keentay tallaabada uu qaaday.

Duqa degmada Berbera Cabdishakuur Cidin oo jawaabta uu ka bixiyey su’aashaas noqotay tii ugu dheerayd ee uu kaga jawaabo Barnaamijka Qanci Dadkaaga oo ka baxa Horn Cable TV oo Berbera lagaga duubay, Dadweyne badan oo reer Berbera ahina jaanis ugu heleen inay su’aalo badan oo kala duwan ku weydiiyaan, isla markaana uu halkaas ugaga jawaabo guud ahaan wixii la weydiiyey-ba. Hase-yeeshee, waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Su’aashaas Weerarka Wershadda Kooraanka Berbera laga weydiiyey iyo Jawaabta iyo Sharraxaadda dheer ee uu ka bixyo oo u dhacay sidan hoos ku qoran:-

“Magacaygu waa Shucayb Jaamac Faarax, ‘Maayerka waxaan weydiinayaa, waxaad wakhti wakhtiyada ka mid ah Qori la gashay Wershadda Laydhka Berbera, waxa ku kallifay in Sharciga isagoo mari karaya uu Wershaddii Laydhka Berbera Qori la galo iyadoo Qalliimmo Cusbitaalka ka socdaan oo Ummadda loo shaqaynayo?

Waxaanu Maayerku ku jawaabay; “Waa su’aasha keliya ee aan dadweynaha ka sugayey, dhegaha halloo furo afar iyo saddex minid waxay igu qaadataba, waar maxaad Wershaddii Laydhaka Qoriga ula gashay Jabhadyahaw; maxaa kugu kellifay, si fiican buu u sheegay runtii Wiilkaasi, waxaad dareemaysaa inaan xanuun ku jirin oo wuxuu yidhi; ‘maxaa kugu kellifay?’ hadduu Cudur ku jiro wuu I eedayn lahaa.  Wixii igu kellifay baan kuu sheegayaa, raalli halla iga noqdo, runtii waa su’aal adag, una baahan in la faahfaahiyo si ay bulshadu u fahanto. Waxaan ahaa anigu Jimce-raacii markii SNM-tu dalka soo gashay, SNM-tii iyo Mujaahidiintii kamaan mid ahayn, laakiin Dadkii raacay ee garabka siiyey ee dalkan dib ugu soo dagaallamay baan ka mid ahaa. Illaahay (SWT) markii aynu 1991-kii dalka soo galnay Illaahay wuxuu qalbigayga geliyey intaan Qorigan iska tiiriyo yaa Arsaaq, yaa Fataax nidhaahno Hantidii Aabbahayo lahaa iyo Adeerkayo lahaa inaannu boodhka ka tumanno Annagoon koobka Shaaha wax lagu cabbo haysannin.”

“Laakiin, Qalbigayga aamminsan inaan heli karo haddaan Illaahay xalaal weydiisto, iyadoo Nin iga xoog badan oo iiga Ragannimo badan aanu Berbera jirin wixii la bililiqaysanayey, wuxuu Illaahay qalbigayga geliyey inaan shaqaysto oo aan dhidido oo aanan horta lacag bilaw ka dhigannin. Dukaanka halka Aamina-indho ka soo horjeedda ayaannu xaadhannay oo Adeerkay iyo Nin kale wada lahaayeen, tabcannay oo cirkaannu marnay, deedna dagaalkii Sokeeya ayaa dhacay, dirqi baannu kaga baxnay, dib baannu u soo dagaallannay, haddana dib baannu u bilawnay oo Illaahay nagu arsaaqay, markaa hantidaydu maaha wax laaluush iyo dhayal ku yimi.” Sidaa ayuu yidhi Maayerku.

Cidin waxa uu sheegay inuu Laashash Badda ka shaqeeya yeeshay, Hudheel, Macmacaanle iyo Gaadiid Hay’adaha u shaqeeya uu yeeshay, isla markaana Lacag fiican uu shaqaystay,, ka dibna uu Sheer ku darsaday oo uu saami ku yeeshay, waxaanu yidhi; “Waxay ugu dambayn ku urureen laydhaka Berbera, 2001-dii ayaa Shirkad B la yidhaahdo la sameeyey, Shirkadda B sheer baan ku lahaa oo saamilayda ayaan ka mid ahaa, waxa kale oo aan ka ahaa Maareeyihii hawlgelinta Shirkadda B ee shaqada waday. Dawladdu markii ay u soo baahatay ee ay Dadka u sheegtay inay laydh jaban dadka siinayso, intaannu u tagnay dawladda ayaannu ku nidhi; ‘Hantidayadan dawladdu maxay ka damacsan tahay?’ waxaa nalagu yidhi; ‘Waxaad galaysaan nidaamka la yidhaahdo Wada-lahaanshaha dawladda iyo shacabka.”

“Dawladdu markaa kamay diyaargaroobin oo sharcigii aniga iga qabanayey may samaynine ee dawladda iga qabanayey may samaynine, Mishiinno cusub, waayirro iyo Taraasmiitarro ayey keentay, annagana iyada oo qabyo ah ayaa nalaga wareejiyey oo keliya haysanna Ballan-qaad afka oo Maayer, Badhasaab iyo Madaxweyne Ku-xigeen. Illaan baan idinku dhaarshee ma is-odhanaysaan Maayerkii kuu ballan-qaaday, Badhasaabkii iyo Madaxweyne Ku-xigeenkii Qaranka ayaa kugu wacad-furi? Isma odhanaysid illeen waa Masuuliyiintii u sarraysaye, waannu iska aqbalnay, sidii baa lagu wareejiyey Laydhka.” Sidaa ayuu yidhi Maayer Cidin.

Waxa uu Cabdirashakuur Cidin oo Sharraxaadda Jawaabtiisa sii wataa intaas ku ladhay; “Shan bilood baan Shaqaale ka ahaa Anigu Wershadda laydhka, Shantii bilood markay dhammaatay ee shaqadu socotay baan anigu shaqada iska casilay oo aan idhi ma sii wadayo shaqadee, bal Hantidayadii halla caddeeyo. Badhasaabki waxa uu yidhi; ‘Ma soo geli karo Albaabka’ Maayerkina waxa uu yidhi; ‘Waar naga tag’ Taliyaha qaybta Booliska ayaan u tegay oo aan ku idhi; ‘Waar Askari saddex boqol qaadanaya oo Ashahaadanaya ayaa halkan joogee, aannu Askarigaa Ashahaadanaya ee Islaamka ah kala badbaadnee, orod oo hantidaydii ii doon.’ Wax kasta waannu isku daynay, Hantidayadii meel aannu u marno ayaannu weynay, Raggayagii Taajiriinta ahaa, waxaannu ku biirnay Dabaqaddii hoose ee qaadaa-madhargaanka ah ee ka werweraya Carruurta maxaad siisaa.”

Tallaabadaas wixii ku xidhay ee dhacay Maayer Cidin oo ka hadlayaa, waxa uu yidhi; “Waxaan u tegay Taliyaha qaybta oo aan ku idhi; ‘I xidh taliye si ay naftaydu u degto, si aan anigoo samray u soo baxo’ wuu iga diiday oo wuxuu yidhi; ‘sharci uma haysto inaan ku xidho adigoo dembi gala mooyee’ waayey baan ku idhi oo waan baxay budh baan qaatay, wershaddii laydhka ayaan galay, waashmaankii baan budh sudhay, gudihii baan galay waxbaan jajabiyey waan ka dareeriyey ciddii joogtay Wershadda laydhka, Mishiinnadii baan bakhtiiyey, Taliyihii qaybta iyo Askartii baa ii yimi; haddaan dembi galaye I xidh baan ku idhi, waa la I xidhay sagaal cisho ayaan xidhnaa, dawladdu haddana iyadaa isoo daysay, iyadoo mar dambe haddana ballan-qaad ii samaysay inay toddoba cisho gudohood hantidaydii igu siinayso, sagaal bilood baan samray oo wershadduna burbur ku dhawaatay.”

“Taliyihii qaybta ayaan haddana u tegay, waar Hargeysa iyo Madaxweyne ma aqaan, Badhasaabkuna ha soo gelin buu illeeyahay, ee haddana ma dembi baan galaa, haa; ‘Qori baan qaatay, sidii baan Wershadda ku qabsaday, dawlad wax lagama haysan karee Sharci iyo Sharci la’aanba, laba saacadood baan yar haystay, BBC-daa laga sii daayey, Jaraa’idkaa lagu qoray, subaxdiina waan baxsaday, Buurahaan galay, afartan cisho ayaan khuruuj ku jiray, haddana waa la I cafiyey, sidii baan ku soo noqday oo aan Wershaddii Maareeye kaga noqday oo aan dib ugu dhisay, Xukuumaddan Kulmiye ayaa timi Madaxweyne Siilaanyo Allaah raalli haka noqdee, Lacagtaydii wuu na siiyey, sidii baan iskaga casilay, haddana Berbera Maayer kaga noqday. Qof kasta oo qof dulmaana awooddiisu intay tahay buu isticmaalayaa, Qalin waxa lagu maamuli karana, Qori laguma maamuli karo.” Sidaa ayuu yidhi Maayer Cidin.

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.