Somaliland oo ka Qaybgashay Shir lagaga Hadlay Maalgelinta Badaha oo Madaxweyne Holland furay

Madaxweyne Trump Muxuu Ka yidhi Hoggaamiyeyaashii Ciraaq iyo Liibiya & Xaaladda Maanta ee Dalalkaas?

Paris(Aftahannews):- Somaliland, ayaa lagu casuumay, isla markaana ka qaybgashay Shirka 12-aad ee sannadlaha ah ee lagaga hadlo arrimaha Badaha dalalka Caalamka oo lagu qabtay magaalada Paris ee waddanka Faransiiska, kaasoo ay ka qaybgaleen illaa Kun iyo Siddeed Boqol oo Qof oo ka kala socday waddamada Caalamka.

Madaxweyne Trump Muxuu Ka yidhi Hoggaamiyeyaashii Ciraaq iyo Liibiya & Xaaladda Maanta ee Dalalkaas?
SHIRKA ARRIMAHA BADAHA LAGAGA HADLAY EE SOMALILAND KA QAYBGASHAY

Shirkaas oo ay soo qaban-qaabisay dawladda Faransiisku, waxaa Somaliland uga qaybgalay Wakiilka dalkaas u fadhiya Cali Ismaaciil, waxaanu sheegay in ay tahay markii ugu horreysay ee Somaliland si rasmi ah loogu marti-qaaday Shirkaas ee ay ka mid noqotay Ergooyinka rasmiga uga qaybgalay.

Wakiilka Somaliland ee dalka Faransiisku Ambassador Cali Ismaaciil, waxa uu sheegay inuu Shirkaas ka jeediyey Warbixin uu ku sharraxay Badda Somaliland baaxaddeeda, dhererkeeda iyo Khayraadka kala duwan ee ku duugan iyo weliba Ammaanka Xeebaha Somaliland sida uu u yahay mid sugan.

Cali Ismaaciil waxa uu sheegay inay Shirka goob-joog ka ahaayeen Wakiillo Kun iyo Siddeed Boqol oo Ruux ka koobnaa oo ka kala socday waddamada dunida ee Badaha leh iyo Shirkadaha Kalluumaysiga iyo Khayraadyada Badaha ka shaqeeya iyo weliba Daneenayaal kale. Waxaanu xusay in lagu falanqeeyey Shirkaas sidii Khayraadka Badaha Maalgelin heer caalami ah oo la iska kaashado loogu samayn lahaa, isla markaana looga faa’iidaysan lahaa Khayraadka Badaha ku duugan, loona samayn lahaa Suuq weyn oo caalami ah oo Kalluunka iyo khayraadka kale ee Badaha ah.

Waxa uu sheegay Cali inuu Shirkaas ka sheegay in Khayraadka Badda Somaliland yahay mid dihin, isla markaana Ammaan ahaan ilaashan oo u baahan in maalgashi muuqda lagu sameeyo, Dawladda Somaliland-na ay diyaar u tahay inay soo dhawayso cid kasta oo dalkeeda Maalgelin doonaysa inay ku samayso.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska, ayaa tilmaamay inuu  Shirkani u ibo-furay Badda Somaliland inay xog ama war ka helaan Shirkadaha Kalluumaysiga ee caalamiga ah iyo Shirkado ka mid ah kuwa Maalgelinta sameeya. Dadka ka qaybgalay Shirka ayuu sheegay inay ku jireen Xubno Ganacsato iyo kuwo Shirkado waawayn oo laga leeyahay dalalka Yurub, Maraykanka, Aasiya ka socday iyo Xubno Afrika ka socday oo uu isagu ka mid yahay.

Madaxweynaha Faransiiska Francis Holland, ayaa furay shirkaas, waxaanu ka jeediyey Khudbad uu kaga hadlay muhiimadda khayraadka Badda iyo sida loogu baahan yahay inay dalalka dunidu isaga kaashadaan. Waxa uu sharraxay ahmiyadda uu Shirkani u leeyahay dalkiis iyo sidii ay Shirkadaha dhinaca Kalluumaysiga ee Faransiisku uga qaybqaadan lahyeen maalgelinta Kalluumaysiga Badaha. Madaxweyne Holland, ayaa kula dardaarmay ka qaybgalayaasha Shirka inay ahmiyad siyaan sidii Bulshada Caalamka loogaga faa’iidayn lahaa Kheyraadka Badaha Dunida, gaar ahaan kuwooda wakhtigan dihin.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.