Natiijada Shirar Sara-joog iyo Fadhi ah oo Garabyada Xisbiga UCID Ku Kala Qabsadeen Hargeysa

SHIRWEYNAHA AAN CAADIGA AHAYN EE GARABKA FAYSAL CALI WARAABE EE UCID 2016

Hargeysa(Aftahannews):- Labada Garab ee Xisbiga ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID u qaybsan yahay, ayaa Garabka uu Guddoomiye Faysal hoggaamiyo Xukuumaddu u fasaxday qabsashada Shirweyne aan caadi ahayn oo Maanta lagu qabtay Huteel Adam’s in ee magaalada Hargeysa, halka Garabka Musharrax Jamaal hoggaamiyo ay ka hor-istaagtay Shir kaas la mid ah oo ay ku qabsan lahaayeen Huteelka Maansoor.

SHIRWEYNAHA AAN CAADIGA AHAYN EE GARABKA FAYSAL CALI WARAABE EE UCID 2016
SHIRWEYNAHA AAN CAADIGA AHAYN EE GARABKA FAYSAL CALI WARAABE EE UCID 2016
XOGHAYAHA GUUD EE WADDANI OO KA HADLAY SHIRKA GARABKA JAMAAL 2016
XOGHAYAHA GUUD EE WADDANI OO KA HADLAY SHIRKA GARABKA JAMAAL 2016

Hase-yeeshee, Garabka laga hor-istaagay Shirka ay qabsan lahaayeen, ayaa Geed ku ag-yaalla Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa iyagoo sara-jooga sheegay inay qabsadeen Shirkoodii, isla markaana doorteen Guddoomiyaha Cusub ee Xisbigaas oo ay u doorteen Eng. Sabce.

Balse, Shirweynaha aan Caadiga ahayn ee Garabka Guddoomiye Faysal Cali Waraabe hoggaamiyaa qabsadeen, oo ay ka qaybgaleen Masuuliyiin ka socda Xisbiga talada haya ee Kulmiye, ayaa gunaanadkiisii isla gelinkii dambe ee shalay laga soo saaray shan qodob, kuwaasoo qodobka koowaad lagu laalay Heshiisyadii ay wada galeen UCID iyo Garabkii UDUB ka go’ay ee Jamaal Cali Xuseen hoggaaminayey oo ku biiray 2012-kii. Waxaana Qoraalka xambaarsan go’aammada shanta ah ee laga soo saaray shirkaas oo Nuqul ka mid ah Aftahannews helay u dhignaayeen sidan:-

“Go’aammadii ka soo baxay Shirwaynihii aan caadiga ahayn Ee Xisbiga UCID. Maanta oo ay taariikhdu tahay 8/11/2016, waxaa soo gabogabeesmay Shirwaynihii Aan caadiga ahayn Ee Xisbiga UCID. Waxaa ka soo baxay oo lagu go’aamiyay qodobada hoos ku xusan;

1: Shirwaynuhu Wuxuu laalay, heshiiskii qabyada ahaa ee Garabkii Xisbiga UDUB uu la galay Xisbiga UCID, Taariikhdu markay ahayd, 12/7/2012 . 2: Waxaa lagu ansixiyay, wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyay Xeerka Xisbiga UCID.

3 : Shirwaynuhu wuxuu go’aamiyay in dib loo dhigo Shirwaynihii Afraad Ee Xisbiga UCID, kaas oo ku muddaysnaa In la qabto Bisha January 2017, Waxaana shirwaynuhu go’aamiyay in Muddo hal sanno ah, dib loo dhigo, oo qabsoomi doonta, January 2018.

4: Wuxuu shirwaynuhu awood buuxda u siiyay Gudoomiyaha Xisbiga UCID, in uu buuxiyo xubnaha ka banana Xisbiga UCID, inta la gaadhayo Shirwaynaha afraad ee Xisbiga UCID . 5: Waxaa kale oo uu shirwaynuhu go’aamiyay, in la balaadhiyo xubnaha Golaha Dhexe, oo laga dhigo 251 Xubnood, halka uu markii hore ka haa 181.” Sidaa ayaa lagu yidhi Go’aannada Garabka Faysal shirkooda ka soo saareen.

Hase-yeeshee, Garabka Musharrax Jamaal Cali Xuseen, ee Taagnida Shirka ku qabsaday, waxaa iyagoo taagan Saxaafadda la hadlay Jamaal iyo Eng. Sabce. “Faysal wuu ka baxay Guddoomiye-nimadii oo Musharrax buu sheegtay, waa la caddeeyey inaanu Guddoomiye ahayn, Guddoomiyena lagu doortay shirkayagan. Waxaan leeyahay lama baajin karo ummaddu meeshay marayso. Khamiista marka laga bilaabo Guddoomiyaha Xisbiga UCID waa aniga, aan Xafiiska isugu nimaadno Faysal Cali Waraabe kaayaga laga adkaado.” Sidaa ayuu yidhi Eng. Sabce.

Sidoo kale, Jamaal oo halkaas ka hadlay oo Shirkooda sarajoogga ay ku qabsadeen kala qaybgalay Masuul ka tirsan Waddani, ayaa sheegay inay iyagu shirka ay Geedka ku hoos-qabteen sharci yahay, waxaanu yidhi; “Taariikhda waa markii ugu horraysay ee Shirweyne Xisbi lagu qabto dariiqa, qoladan Xukuumadda, ayaa mar walba waxay tidhaahdaa markay wax yar sameeyaan waa markii ugu horraysay, annagunna waxaannu leenahay waa markii ugu horraysay oo geed hoostii lagu qabto shirweyne Xisbi.”

“Shirarkaasina shirar mangal ah ayay ahayeen oo kii Balli-gubadle, ayaad ogaydeen oo kii Burco ayaad ogaydeen, wax waligeedba jiri-jiray ayay ahayd , Xeerarka Xisbiyadana kuma taallo Guri hoostii ha lagu qabto, waxa ku taal waa in shir la qabtaa, shirkiina waynu qabsannay maanta (shalay), afar qodob oo muhiim ahina way innooga soo baxeen waa Illaahay mahaddii.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal.

Waxa uu Jamaal oo sii watay hadalkiisa intaas ku daray; “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsannahay in anigu wixii aan sheegayay layla arkay waar in badan ayaan qaylinayay oo aan lahaa waar ina-cali waraabe kaligii ma ahee gacan baa hoosta kaga jirta gacan wayn oo maanta ay caddaatay waa caddaalad-darraddii oo dharka iska saartay. Waxa kale oo igu maqaalo ah siday wararku igu soo gaadhayaan shirka yar ee ay qolka yar isugu malmaluuqeen ilaa gaashaalayaal baa ilaalinaya ciidankii qaranka ee Somaliland.”

“Cadaalad daradda halkii ugu saraysay ayaynu maraynaa shacabka Somaliland wuu daawanaya oo waar haddii uu sharcigu jabo waxa loo baahan yahay shacab karbaasha ayaa la doonaya, xukuumaddu barrigii horre waxay dhici jirtay daaraha dawladda, dekedii Berbera, Haamihii, dalka oo dhan waa la xaraashay, imika xisbiyadii ayaa la boobayaa, maalin dhaw waxa soo socota in guryihiinna laydinku soo gallo.”

“Laakiin, waxaan idiin sheegay hadhi-mayno, haddii ay moodayaan shir yar oo meel lagu qabsaddo inuu annaga na reebayo ama aannu joogaynno haddii uu kacdoon dadweyne ka dhalanayo diyaar baannu u nahay, waxaan idiin sheegay waar waxaad doontaan maaha, sharcigganna faraha ku qaadan maysaan, marka denbanna askartan aad isku halaynaysaan iyo gaashaanlayaashan iyo dadkanni waa shacabkeenni oo idinka ayay idinkula soo jeesanayaan, waar qaranku innuu qaran innoo noqdo ayaynu doonaynee dad noocan oo kale ahi inna heleen in aynu iska qabbanno weeye, waxaan ay samaynayaan ilaa xukuumaddii Siyaad barre ayaan samayn jirin.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.