Munaasabada Caleema Saarka Madaxda Puntland oo Garowe ka socta (Sawiro)

371

Garowe (Aftahan News) xarunta hay’adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC munaasibadda caleema saarka madaxdda Puntland wajigeeda kowaad,taas oo ay ka soo qayb galeen madaxdda Puntland iyo marti sharaf aad u fara baddan.

Hoolka shirarka ee PDRC waxa ku sugan madaxwaynaha Puntland,madaxwaynayaashi hore ee Puntland,madaxdda maamuladda Jubaland,Galmudug,Ximin iyo Xeeb,madaxa Qaramadda Midoobey ee UNSOM Niclos Key iyo fanaaniin ay kamid tahey fanaanadda caanka ah ee Hoboladda Waabari Hibo Nuuro.

Waxa socota khudbaha beesha caalamka ayadoo hadda uu khudbaynayo wakiilka QM ee xafiiska siyaasadda Soomaaliya Niclos Key,waxaana uu Mr Key sheegaya iminka in munaasibaddan ay tahey mid isaga iyo inta jecel hormarka Puntland ay aad ugu faraxsan yihiin taas oo uu ku tilmaamey mid cajiib ah sidda umadda Puntland ay ugu hanaqaadeen hormarka iyo ilaalinta Nabadda.

Madaxwayne Dr Faroole ayaa si qosol leh ugu mahadceliyey madaxwaynaha dowladda Puntland Pro Gaas iyo ku xigeenkiisa,waxaana uu ugu baaqey dhamaan ciidamadda amaanka ee Puntland iyo madaxdii isaga la soo shaqeeyey in ay la shaqeeya madaxdda cusub ee Puntland.

Cadde muuse oo isguna ah madaxwenyaashi soo maray puntland ayaa waxa uu sheegey in umadda reer Puntland ay aad u jecel yihiin midnimadda Puntland sidda darteedna looga baahan yahey dowladda Faderalka ee Soomaaliya in ay qiimayso wanaaga ay umadda Reer Puntland u hayaan walaalahooda kale ee Soomaaliya.

Madaxwayne Cadde Muuse waxa uu sidoo kale ugu baaqey madaxwaynaha dowladda Puntland Pro Cabdi Wali Maxamed Gaas in uu soo xusho wasiiro tayo leh oo ka bixi kara howlaha umadda reer Puntland la rabo in loo qabto,waxa uu sidoo kale sheegey in uu iska ilaaliyo wax walba oo dowladda Puntland caqabad u keeni kara.

IMG_0003-1IMG_0004 (1)IMG_0004IMG_0005-1IMG_0007-1IMG_0008IMG_0009-1IMG_0010IMG_0014IMG_0016IMG_0017IMG_0019IMG_0020IMG_0021IMG_0022IMG_0023IMG_0024IMG_0026IMG_0027IMG_0028

IMG_0028

IMG_0028

IMG_0028

IMG_0028

IMG_0028

IMG_0028

IMG_0028

IMG_0028

IMG_0028

IMG_0028

IMG_0028

 

Aftahan News

Garowe/Puntland/Office