Madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhaweeyey In Ciidammada Itoobiya Xidhaan Shaadhka AMISOM

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo ku biirista ay ciidanka Ethiopia ku biireen howgalka ciidamada Midowga African ee AMISOM.

299224A7-2531-4F17-BCC8-09E5A759B838_w443_r1_cy6_cw76

Madaxweyna Xasan ayaa sheegay in awalba ciidanka Ethiopia ay gudaha Somalia ku sugnaayeen, balse haatan ay haystaan oggolaansho ka yimid Qaramada Midoobay, oo u saamaxaya inay ka mid noqdaan AMISOM, kana hoos shaqeeyaan taliska AMISOM.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ku biirista cidanka Ethiopia ee AMISOM ay xoojin doonto howgallada AMISOM.

Wareysi uu siiyay idaacadda VOA, wuxuu madaxweyne Xasan difaacay balaadhinta lagu sameeyay golaha wasiirada ee xukuumadda cusub, wuxuuna sheegay in talaabadaasi loo qaaday si loo qanciyo beelaha sidoo kalena loo helo rag iyo dumar karti leh oo ka mid noqda golaha wasiiradda.

Wareysiga Madaxweynaha oo dhammeystiran, waxaad ku dhageysan doontaan barnaamijka Martida ee habeenka Sabtida ah.

Xigasho VOA.