Somaliland oo Shaacisay Waxay yeelayso Haddii Beesha Caalamku ku adkaysato go’aankeeda

WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA SOMALILAND SACAD CALI SHIRE

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay tallaabada ay qaadi doonto haddii ay Qaadhaan-bixiyeyaasha ka taageera dhaqaalaha doorashooyinka ku adkaystaan mawqifooda ah inaanay bixin doonin dhaqaalaha ku baxaya doorashada Golaha Wakiillada haddii uu Madaxweynaha Somaliland ka noqon waayo go’aanka uu ku kala qaaday doorashada Madaxtooyada iyo Wakiillada oo sannadkii hore Maxkamaddu go’aamisay in mar la wada qabto 27-ka Maarso sannadka 2017-ka.

WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA SOMALILAND SACAD CALI SHIRE
WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA SOMALILAND SACAD CALI SHIRE

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in haddii ay Qaadhaan-bixiyeyaashu ku adkaystaan inay ka caawin waayaan dhaqaalaha doorashada dib loo dhigayo ee Golaha Wakiillada ay Somaliland ahaan iska bixin karto qarashka, qabsanna karto doorashada Wakiillada ee dib loo dhigayo, farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

Waraysiga Wasiir Sacad Cali Shire arrimahaas kaga hadlay kuna caddeeyey tallaabada ay Xukuumad ahaan qaadayaan hadii caawimada doorashada laga joojiyo, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.