Xisbiga WADDANI oo Taageeray Mawqifka Qaadhaan-bixiyeyaashu ka qaateen kala qaadista doorashooyika Somaliland

MAXAMED CABDILLAAHI UUR-CADDE XOGHAYAHA GUUD EE WADDANI 2016

Hargeysa(Aftahannews):- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa taageeray go’aan Beesha caalamka ka soo baxay Jimcihii, isla markaana ku gacan-saydhay, sharci-darrana ku tilmaamay go’aanka uu Madaxweynaha Somaliland ku kala qaaday doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilalda oo ay Maxkamadda Sare sannadii hore go’aamisay in 27-ka Maarso 2017-ka la wada qabto, kaasoo ay shalay aqlabiyad ku ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee muddada doorashadoodu dib u dhacayso.

MAXAMED CABDILLAAHI UUR-CADDE XOGHAYAHA GUUD EE WADDANI 2016
MAXAMED CABDILLAAHI UUR-CADDE XOGHAYAHA GUUD EE WADDANI 2016

Xisbiga WADDANI waxa uu taageeray go’aanka Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland doorashooyinka ka caawiya ee Beesha caalamku ka qaateen go’aanka Madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday doorashooyinka, iyagoo sheegay inaanay bixin doonin dhaqaalaha ku bixi doona doorashada la dambaysiinayo ee Golaha Wakiillada, balse ay hadda diyaar u yihiin in mar la wada qabto oo ay dhaqaalaha qaybtooda bixiyaan, waxaanay Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqeen inuu ka noqdo oo uu dib u eego go’aankaas.

War-Murtiyeed Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ka soo saaray arrimahaas Axaddii Maanta oo ka koobnaa Siddeed qodob, isla markaana Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews.com, waxa uu u dhignaa ama u qornaa sidatan:-

“Maanta oo taariikhdu tahay 18 September, waxa  uu Xisbiga Waddani shir ku qabsaday Huteel Maansoor kaasoo ay kasoo qaybgaleen hoggaanka sare  iyo Guddiga fulinta, shirkaas oo lagaga arrinsanayey guud ahaan xaaladda dalka iyo gaar ahaan wareegtadii Madaxweynaha ee kala qaadista doorashada Golaha Wakiillada iyo ta Madaxtooyada  iyo mawqifka uu xisbiga waddani ee wareegtadaas.

Mawqifka xisbiga.

  1. Saddexda Xisbi Qaran waxay Madaxwaynaha kalsooni buuxda ku siiyeen xallinta saami qaybsiga Golaha Wakiillada waxaanay u ballan-qaadeen in ay ku raaci doonaan go’aan kasta oo uu xal u arko oo uu kasoo saaro saluugga gobollada dalka iyo saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakillada, maaddaama oo ay tahay waajibaadka Xukuumadda.
  2. Xisbiga Waddani wuxu cambaaraynayaa, isla markaana u arkaa sharci-darro nuxurka qoraalka Madaxweynuhu u gudbiyey Golaha Baarlamaanka ee ku saabsan kala qaadista labada doorasho (Wakillada & Madaxtooyada), iyadoo hawsha doorashada loo igmahday Gudiga Doorashooyinka Qaranka.
  3. Xisbiga Waddani wuxu ayidsan yahay go’aankii Maxkamadda Dastuuriga ahi ka soo saartay wada qabashada labada doorasho oo ah in ay qabsoonto 28/3/2017.
  4. Xisbiga Waddani wuxu ayidsan yahay go’aankii ay ku caddeeyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranku in ay diyaar u yihiin qabsoomida labada doorasho muddadii loo cayimay oo ah 28/03/2017.
  5. Xisbiga Wadani wuxu xasuusinayaa MW Axmed Maxamed Siilaanyo in uu qaato go’aan la mid ah kii uu qaatay Mudane Daahir Riyaale Kaahin ee suurto gal ka dhigay qabsoomiddii doorashada golaha wakiiladda ee qabsoontay 2005.
  6. Xisbiga waddani wuxu taageersan yahay si weyna u ayidayaa baaqii beesha caalamka iyo taageerayaasha doorashooyinka Somaaliland ay ka soo saareen wareegtada qayrul sharciga ah oo aanu aaminsanhay in Madaxaynaha la hoos-dhigay.
  7. Xisbiga waddani wuxu u taagan yahay badbaadada qarnimada Somaliland waxaanu ka soo horjeedaa wax kasta oo lagu carqaladaynayo qabsoomidda doorashooyinka oo ina dhaxal siin kara burbur aan laga soo kaban Karin.
  8. Xisbiga waddani wuxu ugu baaqayaa shacabka Somaliland ilaalinta wadajirka ilaalinta nabadgelyada iyo badbaadinta qaranimada Somaliland.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka qodobbadaas ka koobnaa ee soo gaadhay Aftahannews ee ka soo baxay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.