Al-Shabaab oo Sheegatay Dilka Taliye Ciidan iyo Ilaaladiisii oo Muqdisho lagu Khaarajiyey

Jeneraal Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale)

Muqdisho(Aftahannews):- Allaah ha u naxariistee Taliyihii guutada saddexaad ee Ciidammada Qalabka sida ee Soomaaliya Jeneraal Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale), ayaa shalay lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho ka dib marki Gaadhi uu watay lagu dhuftay Baabuur laga soo buuxiyey Walxaha qarxa iyo Lix Askari oo ka tirsanaa ilaalada Marxuumka, halka ay dad kalena ku dhaawacmeen.

Jeneraal Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale)
Jeneraal Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale)

Sida uu xaqiijiyey Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdifax Cumar Xalane oo Axaddii Maanta markii dilku dhacay gaadhay goobta dilku ka dhacay oo Saxaafadda la hadlay, weerarka, ayaa ka dhacay agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Waxaanu Afhayeenku xusay in Gaadhiga Taliyaha la dilay iyo lixda ilaaladiisa ahi saarnaayeen lagu dhuftay Gaadhi walxaha qarxa Cadawgu ka soo buuxiyey, kaasoo lagaga dhuftay dhinaca uu Taliyaha geeriyooday ka saarnaa.

Weerarkaas Taliyihii Guutada Saddexaad ee Ciidanka Millateriga Soomaaliya iyo lixda ilaaladiisa ahaa lagu dilay, waxaa Masuuliyaddiisa sheegatay Kooxda Al-Shabaab, waxaanay ku eedaysay Kooxdu Marxuumka inuu maleegayey hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, sidaas awgeedna uu weerarkaa lagu dilay ahaa mid qorshaysan oo guulaystay siday ku faafiyeen Warbaahinta Online-ka ee afka Kooxdaas ku hadla.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.