Madaxweynaha Iran oo ku baaqay in Suuriya doorasho laga qabto

Tehran(Aftahannews):- Madaxweynaha Iran Xasan Ruuxaani ayaa sheegay in arrinta Suuriya lagu xallin karo oo kaliye in la qabto doorashooyin xor ah.

Xasan Ruuxaani ayaa sheegay in waddamada dibedda aanay go’aan u gaari garin dadka iyo dalka Suuriya.

140123103833_davos_rouhani_624x351_reuters

Waxaa uu hadlayay maalin kaddib markii uu furmay shirka nabadda ee Suuriya.

Iran ayaan ka qeybgalin shirkaas kaddib markii Qaramada Midoobay kala noqotay casuumaad ay horey ugu soo dirtay.

Shirar gooni gooni ah

Ergeyga caalamiga ah ee Arimaha Suuriya, Al-Akhdar Ibrahimi, ayaa maanta wadatashiyo gooni gooni ah la leh dhinacyada Suuriya.

Ibrahimi waxaa uu la hadli doonaan wafdiyada ka socdo dowladda iyo mucaaradka Suuriya oo maalintii shalay is weydaarsday hadallo kulul.

Wafdiga dowladda Suuriya waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibedda isla markaana ah Ra’iisalwasaare kuxigeen.

Madaxweyne Bashar Al-Asad

Fadhigii furitanka shrika ee maalin ka hor lagu qabtay magaalada Montreux waxaa ka soo baxay khilaafka u dhexeeya dowladda madaxweyne Bishar Al-Asad iyo kooxaha mucaaradka.

Ibrahimi ayaa qiray inuusan weli kala ogeyn in labada dhinac ay diyaar u yihiin inay is hor fariistaan iyo in kale.

Safiirka Suuriya ee Qaramada midoobey Bashar Jacfari waxa uu sheegay in isu dheelitirnaan la’aan ay ka jirto goobta wadaxaajoodka.

MantreuxHoteelka Palace ee lagu qabtay shirka nabadda Suuriya ee magaalada Montreux

Taasina waxa uu sabab uga dhigay Iran oo ka maqan madasha shirka, iyo dhammaan dhinacyada ka qeybgalaya shirka oo mucaarad ku ah dowladda Suuriya.

Waxa uu sidoo kale ku gacanseyray hadalka uu jeediyay xoghayaha arimahada dibadda ee Mareykanka John Kerry oo ahaa in Bashar Al-Asad uusan dowr ku lahayn mustaqbalka Suuriya.

Shirkan ay labada dhinac isugu yimaadeen ayaa loo arkaa inuu yahay dadaalkii diblomaasiyadeed ee ugu weynaa ee wax looga qabanaya dagaalka Suuriya tan iyo markii uu billawday kacdoonka ka dhacay dalkaas.

Wadaxajoodka nabada ee Suuriya ayaa muddo dheer la sugayay.

Waxaa uu noqonayaa kii ugu horreeyay ee ay si fool ka fool ah dowladda iyo mucaarada isku hor fariistaan tan iyo markii ay billaabatay colaadda Suuriya saddex sano ka hor.

Xigasho BBC SOMALI.COM.