“Nimanka leh Somaliland baannu nahay, Marna Dir Woqooyi, Puntland kama Hadli Karaan..” C/Weli Gaas

MAXAMED CUMAR CARTE IYO CABDIWELI MAXAMED CALI GAAS

Garoowe(Aftahannews):- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa jawaab kooban oo uu ka bixiyay hadal ka soo yeedhay siyaasiyiinta dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan Muqdisho, ku sheegay in aanay ka hadli karin sedka Puntland ee saami qaybsiga kuraasta waxa loogu yeedhay Aqalka sare ee Soomaaliya.

MAXAMED CUMAR CARTE IYO CABDIWELI MAXAMED CALI GAAS
MAXAMED CUMAR CARTE IYO CABDIWELI MAXAMED CALI GAAS

Odayaasha, Siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta kale ee ka soo jeeda dhalasho ahaan deegaanada Somaliland balse ka soo horjeeda ee xilalka kala duwan ka haya dawladda Soomaaliya, ayaa si wayn uga biyo diidsan saami qaybsiga Aqalka Sare, isla markaana waxay sheegeen in saamigii ay ku joogeen meesha qaar laga jaray , maamul goboleedka Puntlandna la siiyay qoondo aanay xaq u lahayn. Waxay intaa ku dareen in Puntland ay tahay laba gobol iyo badh, sidaa darteedna ay khalad tahay in la siiyo saami aanay lahayn. Hase yeeshee Madaxweyne Cabdi Weli Gaas ayaa hadalkaa uga jawaabay qaab jees jees ah.

“Nin Xamar jooga, Puntland iyo axwaasheeda iyo goboladeeda kama turjumi karo kamana hadli karaan. Waa garanaynaa nimanka meesha ka hadlaya, oo marna qabiil u hadlaya, marna Somaliland baanu nahay leh, marna Dir woqooyi baanu nahay leh, markaa iyagaa iswaafin doonna waxay ula jeedaan, laakiin u malayn maayo inay Puntland iyo dhulkeeda iyo dawladeeda niman ka turjumi kara oo ka warami kara yihiin.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiweli Gaas.

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.