Daawo Dacwadda Xisbiga UCID oo Maxkamadda Sare Ka Bilaabntay iyo Hadallada labada Dhinac

BILAWGA DACWADDA UCID EE MAXKAMADDA 2016

Hargeysa(Aftahannews):- Maxkamadda sare e Somaliland, ayaa Axaddii Maanta bilawday dhegaysiga Dacwad Racfaan ah oo u dhaxaysa Garabyada isku khilaafsan Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ee ay kala hoggaamiyaan Guddoomiyaha Xisbigaas Faysal Cali Waraabe iyo Musharraxa jagada Madaxweynaha ee UCID u taagan Jamaal Cali Xuseen, iyadoo Maxkamaddu soo gebo-gabaysay doodda labada dhinac ee Dacwaddu u dhaxayso, go’aanna ka soo saari doonta maalmaha soo socda sida la filayo.

BILAWGA DACWADDA UCID EE MAXKAMADDA 2016
BILAWGA DACWADDA UCID EE MAXKAMADDA 2016

Maxkamadda oo ahayd mid furan oo ay ka qaybgaleen dhinacyada is-haya ka sokow Taageerayaasha labada Garab ee UCID, Ururrada Bulshada rayidka ah, Qareennada labada dhinac iyo Saxaafadda oo iyadu markii ay dooddu bilaabmaysay dibedda looga saaray Hoolka dhegaysiga Dacwaddu ka socday. Waxaa ugu horreyn qaabka ay Dacwaddu u bilaabmayso faahfaahin Warbaahinta ka siiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali Axmed.

Haddaba, qaabkii ay Maxkamaddu u furantay, sida looga qaybgalay, Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Aragtiyaha iyo Eedaymaha ay Warbaahinta isu mariyeen Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Musharrax Jamaal Cali Xuseen markii ay Maxkamadda ka soo baxeen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.