Madaxtooyada oo ka hadashay Khasaaraha Shil Baabuur oo Madaxweyne Siilaanyo Goob-joog u noqday

MADAXWEYNE SIILAANYO IYO MADAX KALE OO GOOBTA SHILKA TAAGAN

Awbarkhadle(Aftahannews):- Madaxtooyada Somaliland, ayaa ka hadashay, faahfaahinna ka bixisay Shil Baabuur oo ka dhacay jidka u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, kaasoo yimi markii ay isku dhaceen laba Baabuur, isla markaana ay ku dhaawacmeen Illaa afar Ruux oo qaarkood ilaalada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ka tirsanaayeen iyo Darawal shacab ah.

MADAXWEYNE SIILAANYO IYO MADAX KALE OO GOOBTA SHILKA TAAGAN
MADAXWEYNE SIILAANYO IYO MADAX KALE OO GOOBTA SHILKA TAAGAN

Illaa Afar Qof ayaa ku dhaawacmay Shilkaas Baabuur, ka dib markii ay gelinkii dambe ee Sabtidii isku dhaceen Gaadhi ay saarnaayeen ilaalada Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro iyo Gaadhi yar oo Roodhi siday oo uu saarnaa Darawalka waday oo keliyi jidka Berbera iyo Hargeysa u dhaxeeya, xilli uu Guddoomiye Cirro ku soo jeeday Hargeysa kana soo laabtay deegaaka Mandheera ee gobolka Saaxil oo uu kaga qaybgalay munaasibad xadhigga lagaga jarayay laba Dugsi oo Boodhin ah oo gudiga Dan iyo Duco ka dhiseen deegano ka mid ah gobolkaa.

Madaxtooyada Somaliland, ayaa ka hadashay Shilkaas oo Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta la socday ee Guddoomiye Cirro ka midka ahaa ku hakadeen goobta uu ka dhacay, waxaanu Warka Madaxtooyadu ka soo saartay Shilkan oo Qoraal ahaa, intaas ku daray in Saddex ka mid ah Ilaaladda Guddoomiyaha iyo Darawalkii Gaadhiga yar waday ay gaadheen dhaawacyo, isla markaana mid ka mid ah uu dhaawiciisu culus yahay, dhammaantoodna lagu dabiibayo Cusbatalka guud ee Hargeysa.

“Madaxweynaha iyo Weftigiisu markii ay u soo ambabaxeen dhinaca Caasimadda Hargeysa, waxay la kulmeen Shil Gaadhi oo ka dhacay waddada u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa, Shilkaas oo sababay dhaawaca saddex Askari oo ahaa ilaalada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cirro oo isagu Weftiga ka mid ahaa iyo Gaadhi yar oo nooca Dukhaanka loo yaqaanno ah VITS oo uu saarnaa Derawalkii waday oo keliya, kaasooo u soo gaadhay dhaawac aad u culisi.” Sidaa waxa lagu yidhi War Qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo Gaadhiga Shilka galay ee Laangaruusalka ahi Weftiga Madaxweynaha ka mid ahaa.

Warkaas Qoraalka ee lagaga hadlay Shilka Gaadhi ee ay goob-joogga u noqdeen Madaxweynaha Somaliland, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland iyo Masuuliyiin badan oo dowladda ka tirsan oo Weftiga Madaxweynaha ee Saaxil ka soo laabtay gelinkii dambe ee Sabtida, ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu Gaadhiga uga degay goobta Shilku ka dhacay.

“Markii uu Madaxweynuhu soo gaadhay goobta wuu u degay dhaawacii iyo khasaarihii goobta ka dhacay waxaanu u duceeyey dadkii halkaasi wax ku noqday inuu Alle Caafimaad sareecana siiyo. Iyadoo markiiba loola soo cararay dhinaca cusbitaalka guud ee hargeysa.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warbixintaas.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warka Madaxtooyadu ka soo saartay Shilkaas Baabuur oo qaab argaggax badan u dhacay markaad dheehato Sawirrada Madaxtooyadu soo dirtay ee sida ay noqdeen labadaas Baabuur, weliba Gaadhiga Laangaruusalka ah ee ilaalada Guddoomiye Cirro saarnaayeen oo Cagaha Cirka u taagay.

Jidka u dhexeeya magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, ayaa ah jidka ay Shilalka ugu badan ee Baabuurtu ka dhacaan inta badan, kuwaasoo sababa dhimasho iyo dhaawaca dad isugu jira Shacab, Ciidan iyo Masuuliyiin laamaha kala duwan ee dowladda ka tirsan, isagoo sidoo kale ah Jidka ugu khatarta badan xilli-roobaadka oo ay Dooxyadu qaadaan Gaadiidka kala duwan ee maraya iyo waxa saaran dad iyo duunyaba.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.