Madaxweynaha Somaliland oo Furay Dugsiyo Boodhin ah oo Guddiga Dan iyo Duco ka hirgelisay Gobolka Saaxil

MADAXWEYNE SIILAANYO OO DUGSIYO BOODHIN AH KA FURAY SAAXIL

Saaxil(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti Masuuliyiin ah oo uu hoggaaminayey, ayaa furay Dugsiyo Sare oo Boodhin ah, kuwaasoo laga hirgeliyey deegaanno ka tirsan gobolka Saaxil, waxaana Madaxweynaha iyo Weftigiisa si diirran u soo dhaweeyey dadweynaha ku dhaqan deegaanno kala duwan oo gobolka Saaxil ka tirsan.

MADAXWEYNE SIILAANYO OO DUGSIYO BOODHIN AH KA FURAY SAAXIL
MADAXWEYNE SIILAANYO OO DUGSIYO BOODHIN AH KA FURAY SAAXIL

Madaxweynaha iyo Weftigiisu booqashada ay Goobahaa waxbarasho ee gobolka Saaxil ku soo fureen illaa soo noqoshadoodii Hargeysa ee isla Sabtidii Maanta gelinkii dambe, waxaa caawa Warbixin uu ka diyaariyey Warbaahinta u kala diray Xoghayaha Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Naasir Yuusuf Daahir, kaasoo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Wefti uu hoggaaminaayo madaxweynaha Qaranka Somaliland, kuna wehelinayeen, masuuliyiin tiro badan oo uu ka mid yahay gudoomiyaha xisbiga kulmiye ahna murashaxa xisbigaasi Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Marwada koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, ayaa deegaanka Madheera gaar ahaan Dabayla-weyne waxay maanta kaga qaybgaleen xaflad aad loo soo agaasimay laguna daahfuray dhismayaasha laba Dugsi sare  oo Boodhin ah, gacantana ay ku hayeen Guddiga horumarinta gobolka Saaxil ee Dan iyo Duco.

Dugsiyadaas oo laga hirgeliyey Deegaannada Dabayla-weyne iyo Dubur, ayaa noqon doona kuwo loo dhisay inay wax ku bartaan in ka badan 800 oo Arday. Magacooda guudna uu noqon doono Dan iyo Duco “Boarding Schools” ee Gobolka Saaxil.

Munaasibadaasi oo ahayd mid saacado socotay waxa ka hadlay masuuliyiinta gobolada Saaxil, maroodijeex, madaxdhaqameed, culimo, waayeel, waxgarad, Siyaasiyiin, qurbajoog, haween, Murashaxiinta saddexda xisbi qaran oo kala ahaa Md. Muuse Biixi Cabdi, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ciro iyo Md. Jamaal Cali Xuseen, iyo wasiiro iyadoo uu munaasibada soo xidhay Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ay hadaladiisa ka mid ahaayeen”Sharaf weyn bay ii tahay in aan ka soo qaybgalo xafladan  furitaanka labada Dugsi (School) ee Dubur iyo Dabayla-weyne.

Waxaan hambalyeynayaa Guddida Dan iyo Duco ee fulisay mashruucan qiimaha badan. Waxaan u mahadnaqayaa dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay maskax, muruq iyo maal dhismaha hoygan Waxbarasho. Waxaan dhiirigelinaynaa mashaariicda horumarinta dalka, waxaannu xukuumad ahaan diyaar u nahay in aannu gacan weyn ka geysano sidii ay u shaqayn lahaayeen, mashaariicda noocan oo kale ahi dadka iyo dalkana waxtarka u leh.

Ka dib markii munaasibadu dhamaatay waxa madaxweynaha iyo weftigiisa hadhimo sharafeed loogu sameeyey isla dugsigaasi boodhinka ah ee Dabayla-weyne gudihiisa, hadhimo sharafeedka ka dibna weftigii madaxweynuhu waxay u soo boqooleen dhinaca caasimada Somaliland, waxaanay la kulmeen shil gaadhi oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa, shilkaas oo sababay dhaawaca saddex askari oo ahaa ilaaladii gudoomiyaha Golaha wakiilada ahna gudoomiyaha Xisbiga Waddani mudane Cirro oo isagu weftiga ka mid ahaa iyo Gaadhi yar oo nooca raaxada ah oo uu saarnaa derawalkii waday oo keliya kaasooo u soo gaadhay dhaawac aad u culisi.

Markii uu Madaxweynuhu soo gaadhay goobta wuu u degay dhaawacii iyo khasaarihii goobta ka dhacay waxaanu u duceeyey dadkii halkaasi wax ku noqday inuu Alle Caafimaad sareecana siiyo. Iyadoo markiiba loola soo cararay dhinaca cusbitaalka guud ee hargeysa.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warbixintaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.