Caalamka oo Ku Gacan-saydhay Go’aanka Siilaanyo, Sheegayna inaanay Bixinayn Dhaqaalaha Doorashada

Hargeysa(Aftahannews):- Dalalka Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera Dhaqaalaha nidaamka doorashooyinka iyo dimuquraadiyadda iyo weliba dhaqaalaha ku baxa doorashooyinnka iyo diiwaangelinta, ayaa sheegay inaanay bixin doonin dhaqaalaha ay ku bixin jireen doorashooyinka Somaliland haddii la kala qaado labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Somaliland.

BAYAANKA BEESHA CAALAMKU KU QAADDACEEN GO'AANKA SIILAANYO 2016
BAYAANKA BEESHA CAALAMKU KU QAADDACEEN GO’AANKA SIILAANYO 2016

Beesha caalamku waxay walaac xooggan ka muujiyeen, isla markaana wax aan Sharci ahaan iyo xal ahaan midna suuragal ku ahayn ku tilmaamay go’aanka Madaweyne Axmed-Siilaanyo toddobaadkii hore ku shaaciyey inuu ku kala qaaday doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo sannadkii hore Maxkamadda Sare go’aamisay in mar la wada qabto bisha March 2017-ka.

Dowladaha Ingiriiska, Maraykanka, Sweden, Denmar, Midawga Yurub iyo Qaramada Midoobay, ayaa Qoraal ay wada jir u soo saareen, waxaa Warbaahinta u soo kala diray galabta Xafiiska la socodka Siyaasadda iyo Dimuquraadiyadda ee ay dowladda Britain ku leedahay magalaada Hargeysa.

Waxaana lagu sheegay Qoraalka War-Murtiyeedkaas ay dowladaha iyo Ururrada Magacyadoodu kor ku xusan yihiin ku wada saxeexnaayeen, inay Beesha caalamka ee Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka ay laf dhuungashay ku noqotay kala qaadista doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Somaliland oo sannadkii hore  Maxkamadda sare go’aamisay, isla markaana ay ku talinayaan in mar la wada qabto doorashooyinka, iyada oo inta ka horraysa la dhammaystiri karo baahiyaha aan lagama maarmaanka ahayn ee Madaxweyne Siilaanyo u cuskanayo dib-u-dhigista doorashada Baarlamaanka, sida bayaankaas lagu sheegay.

Bayaankaas oo ku qornaa Luuqadda Ingiriisida, ayaa sidoo kale loogu soo jeediyey Madaxweyne Siilaanyo inuu dib ugu noqdo, isla markaana dib uga fikiro go’aanka.

Go’aankan Beesha Caalamku maanta oo Jimce ah shaaciyeen, ayaa yimi maalin ka dib markii ay Wefti ka socda Wasaaradda arrimaha dibedda ee dowladda Britain Hargeysa kulan kula yeesheen Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo iyo Masuuliyiin Xukuumaddiisa ka tirsan oo ay u caddeeyeen Mawqifka Britain iyo Beesha caalamku ka taagan yihiin go’aanka uu ku sheegay inuu ku kala qaaday doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada.

Hase-yeeshee, Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen-Dayr oo kulankaas ka dib Saxaafadda kula hadlay Madaxtooyada Khamiistiii markii kulankaasi dhammaaday, ayaa sheegay inay Mawqifkooda iyo rabitaankooda u sheegeen Weftigu Madaxweynaha, una caddeeyeen inay doonayaan inaan la kala qaadin doorashooyinka ee mar la wada qabto.

KULANKA WEFTIGA INGIRIISKA IYO MADAXDA SOMALILAND HARGEYSA 2016
KULANKA WEFTIGA INGIRIISKA IYO MADAXDA SOMALILAND HARGEYSA 2016

Balse uu Madaxweynuhu ku qanciyey sababta uu u kala qaaday, haddii uu isagu ujeeddo ka leeyahayna danbaysiin lahaa doorashada Madaxtooyada oo uu hadda soo horreysiinayo oo wakhtigeeda qabanayo. Laakiin, Xubnaha Weftiga Ingiriisku qayb kamay ahayn Shirka Jaraa’id ee Afhayeenka Madaxtooyadu ku sheegay inay go’aankiisa markii dambe ku hambalyeeyeen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.