Daawo Wasiir Faratoon oo ka qayb noqday Gurmadka Nabadda ee Shaqaaqada Ceel-afweyn

Ceel-afweyn(Aftahannews):- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa Jimcihii Maanta gaadhay degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, halkaasoo uu u tegay xalka nabadaynta Beelo walaalo ah oo dhawaan shaqaaqo dhimasho iyo dhaawac dhalisay ku dhex-maray deegaannada Dararweyne iyo Dogoble oo ka tirsan degmadaas.

Wasiirka oo lagu soo dhaweeyey deegaannadaas, waxaa Ceel-afweyn ku qaabbilay Ergooyin Wasiirro, Madax-dhaqameed iyo Culimo isugu jira oo halkaas sii joogay, waxaanu warbixin kooban ka dhageystay Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay, oo sheegay inay xaaladdu deggan tahay, nabadgelyaduna sugan tahay oo aanay wixii ka dambeeyey bilawgii bishan aanay wax iska hor-imaad ahi ka dhicin.

Qaabka magaalooyinka Ceel-afweyn iyo kuwa ku xeeran loogu soo dhaweeyey Wasiir Faratoon, Warbxinta Badhasaabka Sanaag iyo Hadalka Wasiir Faratoon-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.