Shirkado Yurub laga leeyahay oo lagu eedeeyey inay Shidaal Sumaysan ka iibiyaan Dalalka Afrika

SHIRKADO LAGA LEEYAHAY YURUB OO LAUG EEDEEYEY INAY SHIDAAL SUMAYSAN AFRIKA GELIYAAN

Zurich(Aftahannews):- Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’ad fadhigeedu yahay Switzerland, ayaa lagu dhalilllay xidhiidh Ganacsi oo Shirkadaha laga leehay dalkaasi ay la leeyihiin dhoofka Shidaal sumeysan oo la geeyo Qaaradda Afrika.

SHIRKADO LAGA LEEYAHAY YURUB OO LAUG EEDEEYEY INAY SHIDAAL SUMAYSAN AFRIKA GELIYAAN
SHIRKADO LAUG EEDEEYEY INAY SHIDAAL SUMAYSAN AFRIKA GELIYAAN

Hay’adda Warbixintan soo saartay oo aan Macaash-doon ahayn, ayaa lagu magacaabaa Public Eye. Warbixintan oo loogu magac-daray NAAFTADA WASAKHAYSAN, ayaa lagu sheegay in dadka ka ganacsada Shidaalka ay si qaldan uga faa’iideysanayaan Xeerarka hubinta Shidaalka Liita ee dalalka Afrikaanka ah ay isticmaalaan.

Warbixinta ayaa sheegeysa in tijaabo laga aruuriyay siddeed waddan oo ku yaalla Galbeedka Afrika ay ku jireen heerka maaddada Sulphur, oo ah mid ka badan 300 oo jeer inta laga oggolyahay Shidaalka Yurub lagu isticmaalo. Waxaana Warbixintan baahisay Laantaka Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo aannu ka soo xigannay.

Inkastoo tani ay tahay Xadka sharciga ah ee ay dawladdaha Qaramadaasi dejisteen, haddana qiiqa ka soo baxa Shidaalkan oo kale, ayaa sare u qaadi kara xanuunnada ku dhaca Neef-mareenka Aadamaha amaba noolaha guud ahaan, sida neefta iyo oof-wareenka.

Sidoo kale, Warbixintan ayaa sheegeysa in afar Shirkadood oo laga leeyahay Swizerland oo kala ah Vitol, Trafigura, Addax,Oryx iyo Lynx-Energy ay ka macaashaan Ganacsigan iyaga oo saami ku leh Shirkadaha qaybiya Shidaalkan wasakhaysan ee Afrika laga iibiyo.

Hase-yeeshee, Shirkadaha Trafigura iyo Vitol, ayaa sheegay in Warbixintan si qaldan loo soo uruuriyay oo ay Shirkadaha Tafaariiqda ee ay wax kala iibsadaan kula dhaqmaan sharciyada adag ee dalalkaas ka jira sida ay ku doodeen.

Geesta kale, Shirkadaha ku lugta leh qeybinta Shidaalkan wasakhaysan, ayaa seddex ka mid ahi waxay ka jawaabeen Warbixinta iyaga oo ku doodaya in aanay ka tallaabsan waxa Sharcigu uu arrintan ka leeyahay, aanay jirinna sabab ay uga badan karaan heerka maaddada Sulphur ee caadi ahaan Shidaalka ku jirta.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.