Daawo Siilaanyo iyo Ingiriiska oo Ka Wadahadlay Doorashooyinka Somaliland ee la kala qaaday

KULANKA WEFTIGA INGIRIISKA IYO MADAXDA SOMALILAND HARGEYSA 2016

Hargeysa(Aftahannews):-  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Masuuliyiin Xukuumaddiisa ka tirsan, ayaa kulan la yeeshay Wefti ka socday dowladda Britain oo booqasho shaqo ku yimi magaalada Hargeysa, isla markaana waxay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin nabadgelyada, doorashooyinka Somaliland iyo qodobbo kale.

KULANKA WEFTIGA INGIRIISKA IYO MADAXDA SOMALILAND HARGEYSA 2016
KULANKA WEFTIGA INGIRIISKA IYO MADAXDA SOMALILAND HARGEYSA 2016

Inkastoo kulankaasi ahaa mid ay Warbaahintu dibedda ka joogtay, waxaa markii uu soo idlaaday Warbaahinta Faahfaahin ka siiyey Aftahayeenka Madaxweynaha Xuseen-Dayr, waxaanu sheegay inay Masuuliyiintu kulankooda kaga hadleen qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka la filayey inay Somaliland ka qabsoomaan bisha March ee 2017-ka.

Haddaba, Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen-Dayr oo ka hadlaya arrimaha kulankaas lagaga wadahadlay iyo waxa la iskula meel-dhigay, kana jawaabay su’aalo kooban oo la weydiiyey, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa hadalkiisa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.