Ururka Mareegaha Somaliland oo War-Saxaafadeed Ka Soo saaray Hanjabaadaha Xukuumadda Siilaanyo

WASIIR CALI-SHOOMBE IYO WASIIR MAXAMUUD XAASHI 2016

Hargeysa(Aftahannews):- Ururka Mareegaha Wararka Somaliland ee (SOMA), ayaa cambaareeyey hanjabaado ka dhan ah Saxaafadda Madaxa-bannaan oo is-daba socday, isla markaana maalmihii la soo dhaafay si taxane ah uga soo yeedhayey Wasiirro Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

WASIIR CALI-SHOOMBE IYO WASIIR MAXAMUUD XAASHI 2016
WASIIR CALI-SHOOMBE IYO WASIIR MAXAMUUD XAASHI 2016

Ururku wuxuu sidoo kale ka digay inay hanjabaadahaasi hor-seedaan talaabooyin hor leh oo lagu cabudhinayo Saxaafadda Madaxbanaan ee dalka ka howl-gasha. Sidaa waxa Ururku ku sheegay War-saxaafaddeed uu maanta soo saaray Xoghayaha Guud ee Ururkaas Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale), isla markaana uu kaga hadlay tacaddiyada iyo dhibaataynta Saxaafadda Madaxa-bannaan iyo Hanjabaadaha toddobaadyadii u dambeeyey ka soo yeedhay Masuuliyiin kala duwan oo Xukuumadda Somaliland ka tirsan, kaasoo u muuqda mid hor-dhac u ah hagar-daamooyin hor-leh oo ay Xukuumaddu u qorshaynayso Warbaahinta xorta ah.

Haddaba, War-Saxaafadeedkaas uu ku saxeexnaa Xoghayaha Ururka Midowga Warbaahinta Mareegaha Somaliland (Somaliland Online Media Association) Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale) oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Ururka SOMA waxa uu ka digayaa in Hanjabaada Wasiirrada  Xukuumaddu bilow u noqoto  dhibaatooyin hor leh oo lagu cabudhinayo Saxaafadda Somaliland”;Warsaxaafaddeed

Arraar

Xadhiga iyo tacadiyada kale Saxaafadda Somaliland,waxay ahaayeen xaaladdo si joogto ah u soo noq-noqonayay wakhti dheer,  marka ayse yimaadaan waji sharci iyo dood abuuri jiray. Waxay  ahaayeen, yihiinna illaa iyo iminka dhacdooyin sifo kasta haloo adeegsadee ku salaysan xaallad nabad-gelyo iyo degenaanshiyo, wallow labadii sannadood ee u dambeyay ay dhaceen dhowr dhacdo oo weerar gacmeed iyo af-duub isugu jirta oo lagula kacay Wariyeyaal madaxbanaan oo ka howl-gala Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Waxa kale oo jirtay in Hay’addo warbaahineed oo dawladdu xidhay loo adeegsaday xidhistooda awood Ciidan, sida Wargeysyada Hubaal iyo Haatuf ay Xukuumaddu Guluf Ciidan kula wareegtay markii albaabada loo laabay, walina midkood oo ah Wargeyska Haatuf Ciidan haysto Xafiiskii uu ka soo bixi jiray.!

Sidaasoo  ay tahay, Maaha wax dhegaha Warbaahinta Somaliland ku cusub Hanjabaad ka soo yeedhay Masuul ka tirsan Dawladda. Maaha wax saxaafadda Somaliland ku cusub masuul dawladdeed oo aflagaado iyo dhaleecayn u jeediya Warbaahinta oo illaa Madaxweyneyaal ayaa fagaareyaal ka weeraray saxaafadda  waddanka ee madaxbanaan.

Hase ahaatee waxa ayaan- darro iyo wax aad looga walaaco ah, inaan aragno Masuul dawladdeed oo fagaare kaga dhawaaqaya  isagoo waliba kor ugu jalaadaya. han-jabaad miisaanka ficilkeedu gaadhsiisanyahay Qori, qudh-goyn  iyo in sharciga loo adeegsado awood ka baxsan inta uu ogolyahay oo xataa ka xumaan kara dhibaatooyinka hore ee jiray ee soo waajahaySaxaafadda Madadii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Cambaareyn Dhawaaqii Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland

Haddaba, Ururka Midowga Warbaahinta Mareega Somaliland  (SOMA), isagoo daba socda hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ee ku taariikhaysan 09/09/2016, waxa uu cambaareynayaa  warka Dhiilada iyo dhibaataynta Saxaafada ah ee ka soo yeedhay Wasiirka Xukuumadda ugu baarqabsan iminka, kaasoo aanu u aragno hadalkiisu inuu ka turjumayo mowqifka dhabta ee siyaasada fulineed ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Ururka SOMA oo nidaam ahaan iminka metela bahweynta Saxaafadda ama warbaahinta  Internet-ka (Online Media),  waxa uu Hanjabaada Wasiirka u arkaa bilowga qorshe la doonayo in lagu sii shiiqiyo xoriyada Saxaafadda  shantii sannadood ee u dambeeyey marba marka ka dambeysa hoos u sii dhacaysay, kaddib markii xadhig-wadareedyo, cabsi-gelin, cago-juglayn iyo cadaadis loo adeegsanayo qaabab kala duwan lagula kacay Hay’addo warbaahineed iyo Wariyeyaal tiro badan.

Ururka SOMA, waxa uu badheedhaha Wasiirka Madaxtooyada iyo kuwa kale e u jiibinaya, u arkaa hindise lagu meel-marinayo cadaadis ka badan inta ay hadda qabto Saxaafaddu oo la saaro illaa la gaadhsiinayo heer indhaha Suxufigu ku dhici waayaan daymada Dulmiga Shacabka lagu hayo, Boobka Hantida Umadda iyo qaladaadka kale ee Shaadhka Dawladda lagu gelayo.

Ururka SOMA, waxa uu shacbiga Somaliland iyo bulshada caalamka u caddeynayaa inaanay jirin meel haba-yaraatee ay Saxaafadda dalku kaga soo horjeesatay ama tashuush ku gelisay nabad-gelyada, horumarka iyo qarannimada waddanka.” ..”Wayse dhici kartaa inay saxaafadda qaar baahisay Shaki laga qabo inay Wasiirrada Xukuumadda ama ashkhaas kale xayndaabka dawladda ku soo dhuuntay Saamiyo ku darsadeen Maal-gelinta Dekedda Berbera, taasoo khatar ku keenaysa geedi-socodka Heshiiska u dhexeeya Dawladda SOMALILAND iyo Shirkadda DP WORLD.

Sidaas awgeed, hadalka qalafsan ee Wasiirku waxaad moodaa inuu daaha ka faydayo Shakigaas oo ah mid aan ku koobnayn Saxaafadda, laakiinse Bulshada dhexdeeda ka aloosan, iyadoo ay ahayd inay Xukuumaddu xoogga saarto sidii Bulshada rayidka ah loogu qancin lahaa Heshiiskan, meesha looga saari lahaa tuhumada is-barkan ee wali horyaalla dhaqan-gelintiisa. ”Nin Hulaab xumi inuu wax qarsanayo ayaa la moodaa”.

Sidaas darteed, annagoo  bahda Saxaafadda Somaliland ee damiirkoodu npol yahay la wadaagayna darreenka ka dhashay weedhaha qalafsan ee ka soo yeedhay Wasiir Maxamuud Xaashi, waxaanu cod dheer kaga digaynaa isku-day kasta oo ka dhan ah xoriyada Saxaafadda  iyo nabad-gelyadooda oo aanu u aragno in cidhiidhi la gelinayo.

Baaq iyo Bogaadin

Ururka SOMA wuxuu ugu baaqayaa Ururrada Saxaafadda Somaliland, dhamaan daneeyayaasha xoriya-tul qowlka , Hay’addaha Garsoorka iyo kuwa ammaanka qodobadan hoos ku xusan

  1. Ururka SOMA waxa uu bogaadinayaa sida foojignaanta iyo xilkasnimaddu ku jirto ee Ururrada Saxaafadda iyo Xuquuqal-iinsaanku uga dareen celiyeen Hanjabadaas, si lamida taas ayuu ula wadaagayaa Suxufiyiinta Somaliland sida ay uga diireen arrintaas.
  2. Ururka SOMA waxa uu ka digayaa in aar-goosi iyo falal xad-gudub loo geysto Wariyeyaasha, waxaanan Hay’addaha Garsoorka iyo kuwa nabad-gelyada ka dalbanaynaa inaan loo adeegsan cidhib-tirka madaxbanaanida Saxaafadda iyo cabudhinta ra’yi dhiibashada Shacbiga oo labadoodaba Dastuurku baneeyey.
  3. Dhamaan Suxufiyihiin Somaliland waxaan ugu baaqaynaa inay muujiyaan wadaniyad, dhexdhexaadnimo, isla markaana ka fogaadaan arrimaha la xidhiidha cunfiga Qabyaalada iyo dhawaaqyada abuuraya Collaada, oo ay ku sifoobaan Run-sheegnimo, Kalsooni iyo Isku duubni dhexdooda ah.
  4. Ugu dambeyn Ururka SOMA, waxa uu xusuusinayaa Ururrada Saxaafadda Somaliland, Goleyaasha dawladda iyo dhamaan daneeyayaasha gudaha iyo caalamka ee xoriyada Saxaafadda xil-weyn layska saaro xakameynta dhibaatooyinka ka dhanka ah Suxufiyiinta iyo Saxaafadda, inta ka horaysa wakhtiga Doorashooyinka sanadka 2017-ka, taasoo lagaga hortegayo in siyaabo qaldan looga faa’idaysto qaybo kamid ah Saxaafadda, taasina abuurto mushkilado caam ah. Allaa Mahad leh.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.