“Xukuumadda Somaliland waxay u dhaqaaqday inay Xisbiyada burburiso..” Sheekh Aadan-Siiro

SHEEKH AADAN-SIIRO

Hargeysa(Aftahannews):-  Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sh. Aadan-Siiro), ayaa sheegay in Shacabka Somaliland Sababtii ay u soo galeen Halgankii Dalka lagaga xoreeyay Dawladdii Milletariga ahayd ee Soomaaliya ay ahayd inay helaan Caddaalad, sidaa daraaddeed loo baahan yahay in Xukuumadda Talada haysaa xilligan ka baydhin wixii Xisbiyada Qaranku ku heshiiyeen, haddii kale aanay Shacabku oggolaan doonin doorasho cid gaar ahi daneynayso.

SHEEKH AADAN-SIIRO
SHEEKH AADAN-SIIRO

“Dalkan Halgan baa loo soo galay, Hanti boqollaal Sano aynu soo tabcaynay baynu u baa’biinay, Hablo iyo Wiilal badan oo aynu jeclayn baa ku le’day, in badan baa ku Naafoobay, In badan baa ku agoomoobay (Halgankaa). Waxaas oo dhan waxaynu u soo galnay inaynu helno Caddaalad iyo Nolol ka wanaagsan noloshii hore, taasina waata ay tahay inay ogaadaan Dadka Talada hayaa, waata ay tahay inay ogaadaan inta Caqliga iyo Cilmiga leh ee garaneysa Dalkani wuxuu yahay.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro oo Maalintii Ciidal-Adxada Khudbad ka jeediyey Garoonka Xawaadle Salaaddii Ciidda ka dib.

Waxaanu Sheekh Aadan intaas ku sii ladhay; “Doorashooyinku waa nidaam Tijaabo innagu ah oo aynaan u fulinayn sida kuwa Dunida haysta ee Nidaamkan ku caano-maalay doonayaan, oo wax badan waynu dhex-gelinay. Haddaannu ka mid nahay Culimada Waddanka ku abuuran waxaannu nahay Dad ku adag in dalkani uu dal jiro noqdo, Dadkiisuna mustaqbal helaan, sidaa daraaddeed waxaannu taageersannahay in doorashooyinka la tartamo oo la ilaaliyo, si aanay dalkeenna dhib badan ugu imannin,  markaa waxaanu leenahay waar Doorashooyinka sidii lagu heshiiyey hala yeeln. Waayo? Aadan-Siiro 3 Doorasho Qof isku qiyaaso ama Xisbi isku qiyaaso ama Koox wax isku ogi isku qiyaasaan ma dhaqeyso Somaliland.”

“Waxaanu leenahay wixii Xisbiyadu ku heshiiyeen, ee Hore loo wada ogaa, Ummadduna Maragga ka ahayd sidiisii ha loo daayo, haddiise wax laga beddelayo waxay u taallaa Xisbiyada iyo Komiishanka dorashooyinka Qaranka, oo iyagaa wada-tashi loo dhan yahay, oo aanay Cidi dhan ka rarin ama Cid dan gaar ah lihi Danteeda ku fushan uga wada-tashan doona, Ummadduna wax kasta oo lagu heshiiyo diyaar bay u tahay inay taageerto. Laakiin, wax Kooxi wadato, wax Nin Dan lihi wato marnaba Ummaddu aqbali mayso, taasi waata keenta in Dadku ku qaybsamaan, waana ta keenaysa burburka. Markaa, waxaannu uga digeynaa Komiishanka doorashooyinka iyo inta Taladu ku xidhan tahay waar wixii aad ku heshiiseen halla ilaaliyo.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro.

Sheekh Aadan-Siiro, wuxuu Xukuumadda ku eedeeyay inay Xisbiyada Qaranka burburinayso, waxaanu yidhi; “Xukuumaddu waxay u dhaqaaqday inay Xisbiyada burburiso, si Xisbiga ay doonaysaa u soo hadho, waxaannu leenahay waar Xisbiyada Khilaaf ha gelinnina oo ha burburinnina, ee Xisbiyadu markay is-qabsadaan u Caddaalad fala.”

“Arrinta Waqooyigu waa Mashruuc la siyaasadeeyey oo la doonayo in Dadka timaha la isugu xidho. Laakiin, yaa isugu xidhaya Dadka Timaha? Xukuumadda qayb ka mid ah ayaa Dan gaar ah ka leh inaan Mashruuca Waqooyigu dhammaanin (Muranka Lixda Goobood ee Waqooyiga Hargeysa), kuwaasina waa kuwa Hantidii Dawladda ku isticmaalaya in khilaaf ka dhaco oo Qabaa’ilku muraan, waa kuwa Hantida Dawladda ku isticmaalaya in Qabaa’ilku is-qabsadaan, waxaanu leenahay Waar ka Daaya, Waayo? Fidmada Waqooyigu hadday Fiddo waxay gaadhaysaa Somaliland oo dhan.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro.

Sheekh Aadan waxa uu sheegay inay Dadka deegaannadaasi garanayaan waxay wada leeyihiin iyo waxay kala leeyihiin, isla markaana waxa uu u soo jeediyey inay dantooda gartaan oo iyagu waxooda dhammaystaan iyagoo Caqligooda, Diintooda iyo Dhaqankooda kaashanaya. Sidoo kale waxa uu Xukuumadda u soo jeediyey Sheekhu inay dhisto Xabsi u gaar ah Haweenka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.