“Nooma Socon Karo Cid aan Xeerinayn Wadahadal oo Falalka Noocaas ah..” Wasiir Faratoon

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA SOMALILAND YAASIIN FARATOON

Laascaanood(Aftahannews):- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay Koox Dablay Hubaysan ah oo niskii dambe ee Habeennimadii Ciiddu soo galaysay ee Isniinta weerar ku qaaday Guri  ku yaalla magaalada Laascaanood  oo ka mid ah goobaha ay ka socotay diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, waxaanay Kooxdaasi qafaasheen Askari ka tirsan Ciidanka Booliska, isla markaana waxay qaatay Kombiyuutar ka mid ah qalabka diiwaangelinta.

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA SOMALILAND YAASIIN FARATOON
WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA SOMALILAND YAASIIN FARATOON

Wasiir Faratoon waxa uu sheegay in Kooxdaas hubaysani markii la seexday niskii dambe ee Habeenkii Ciidda ay weerareen goobtaas ka midka ahayd gooaha diiwaangelinta Codbixiyeyaashu ay ka socotay maalmaha dheeraadka, isla markaana ay Askartii iyo Guriga ay qabsadeen ka dibna ay xidhxidheen dadkii iyo Ciidankii joogay goobta, halkaasna ay ka qaateen Kombiyuutar aanay wax dhaato ahi ku jirin oo laga shubay sida ay sheegeen Xubnaha Guddiga doorashooyinka ka socday ee hawsha waday.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxa uu ka hadlay Kooxda falkaas geysatay yihiin ama ka tirsan yihiin Kooxda la baxday Maamulka Khaatumo. Taasoo uu sheegay haddii ay ku caddaato Khaatumo in ay Somaliland-na ka fiirsanayso wadahadalka ay la bilawday Kooxdaas.

Wasiir Yaasiin-Faratoon waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi uu siiyey Shabakadda Wararka ee Xogsoormedia.com isagoo ku sugan magaalada Laascaanood, waxaanu su’aal laga weydiiyey cidda falkaas geysatay ama u dowlad ahaan u tuhunsan yihiin uu yidhi; “Niskii dambe ee Habeenkii Ciidda ayay Koox dablay hubaysan ah oo Gaadhi wataa weerar ku qaadday goob ka mid ah goobaha diiwaangelinta Codbixiyeyaashu ay ka socotay ee Laascaanood xilligaas oo ahaa goor dambe oo dadku wada seexday, ka dib markii habeenkas oo dhan lagu guda jiray u diyaar-garawga Munaasibadda Ciidal-Adxada oo, Kooxdaasi markii ay goobta weerareen waxay ku qabsadeen Askartii waardiyaha ahayd  oo ay xidhxidheen.”

“Waxaanay qaateen hal Kombiyuutar oo goobta yaallay oo aanay wax dhaato ahi ku jirin sida ay noo xaqiijiyeen Guddiga Doorashooyinka oo noo sheegay in Kombiyuutarrada marka shaqada lagu dhammeeyo ee goobta  la xidhayo in wixii dhaato ah ee is diiwaan galiyay laga shubo. Waxaa kale oo ay qafaasheen mid ka mid ah Askartii Booliska ahayd ee goobta  joogay, isla Waabberigii Ciiddaba Ciidanku way ka hawlgaleen, iyagoo Ciidanka habeenkii Ciidda loo diyaar-garoobayay ay si wayn u shaqaynayeen oo ay nabadgelyada magaalada si wanaagsan u sugeen intii dadweynuhu Suuqa ku jiray ee ay wax iibsanayeen oo illaa 2-dii habeennimo ahayd.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha guduhu.

Sidoo kale, Wasiir Faratoon oo sii watay hadalkiisa, waxa uu yidhi; “Laakiin, markii dambe ee dadku kala seexday ayuu falkan argaggixiso dhacay, waxaanan  hadda ku jirnaa ka dawlad ahaan hawlgalkii lagu soo furan lahaa Askariga la qafaashay iyo Kombiyuutarka aanay waxba ku jirin ee ay qaateen, halka ay tageenna warkooda waannu haynaa. Falkaa waxa geystay Kooxda Khaatumo oo iyadu immika burburtay oo dhawr fariiqo oo is haya noqotay, waanan ka war-qabnaa halka ay la tageen iyo Askariga ay qafaasheen xaaladdiisaba.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka jwaabayay su’aal laga waydiiyey falkaa haddii ay geysatay Khaatumo siduu u saamayn karo wadahadalka ay Xukuumadda Somaliland la furtay iyo siday wadahadalladaasi u sii socon karaan, waxa uu yidhi; “Horta Koox keliya maanta maaha oo iyaga ayaa is haya oo way burbureen oo fariiqooyin ayay kala noqdeen.  Laakiin, haddii uu falkaas argaggixiso uu ku caddaado in ay Kooxda Khaatumo geysatay Somaliland-na waxay ka fiirsanaysaa wadahadalka ay kula jirto, waana la iska arkayaa oo talo Qaran ayaa laga yeelanayaa oo dawladda ayaa go’aan ka gaadhaysa, sababta oo ah wadahadal nooma socon karo lamana wadi karno cid aan xeerinayn wadahadalka oo falalka noocaas ah geysanaysa oo aan wax xidhaaba jirin.”

Geesta kale, Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdiraxmaan Iimaan Warsame oo Saxaafadda la hadlay habeen-hore, waxa uu yidhi; “Waxayna tuugtaasi usoo dhaceen goobtaasi waxayna qaateen Computerkii lagu diiwaangalinayey dadka, laakiin nasiib wanaaagwaxaan ummadda Somalilandiyo dadkii goobtaasi laga diiwaangalinayey u sheegayna in xogtii ama macluumadkii Computerkaasi ku jirtay aynu hayno oo xarunta dhexe ay ku soo dhacaysay, marka wax innaga lumay ama xumaaday ma jirto xogtii diiwaangalinta waan haynaa, waxaana nimankaasi tuugta ah ee qalabkaasi qaatay leeyahay Kumbiyuuterkaasi wax faa’iiddo ah oo uu idin tarayaa ma jirto, xiitaa idiinma furmayo, xitaa macluumaad kama helaysaan oo xagtii annagaa haynaa , waxaanan leeyahay iska keena waxba idinma tarayee.”

Hase-yeeshee, Askariga Kooxda hubaysani afduubtay habeenkii Ciidda ayaa Maamulka gobolka Sool iyo Qaybta Booliska ee Sool lagu soo wareejiyey isagoo nabad-qaba, isla markaana ay ku soo wareejiyeen Odayaasha dhaqanka ee deegaanka Boocama, waxaana Saraakiil Millateriga Somaliland ka tirsan iyo Maamulka Sool kula kulmeen Odayaasha iyo Cuqaashaas Askariga ku wareejiyey deegaanka Higlada oo 18-km u jira ka xigta Gambadha oo ka tirrsan Sool, kuwaasoo ay uga mahad-celiyeen soo gudbinta Ninkaas oo Kooxda Hubaysan ay kaga reebeen si maslaxad ah Boocama.

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.