Tirada Burcad-badeed Soomaaliyeed oo Maxkamadi ku xukuntay Kenya

Mombasa(AftahanNews):- 24 burcad-badeed Soomaaliyeed ah, ayaa Maxkamad ku taal magaalada Mombassa ee Waqooyi Bari dalka Kenya waxay ku xukuntay Midkiiiba 7 sannadood oo Xabsi ah, waxaanu xukunkaasi dhacay maanta oo khamiis ah.

Pirates_Jailed

Burcad-badeeddan Soomaalida ah ee la xukumay ayaa sanadkii 2010-kii isku dayey inay afduubaan Markab ganacsi oo uu leeyahay dalka Iiraan, kaasi oo marayey biyaha badda ee dalka Cumaan ee khaliijka Carabta.

24-ka burcad-badeeda ayaa sida wakaalada wararka ee Reuters sheegtay waxa markii ay ku fashilmeen inay afduubaan Markabkaasi oo lagu Magacaabo FV Ariya, soo qabtay Ciidanka Badda ee dawladda Denmark oo la shaqeynayey Ciidammada NATO ee hawlgalada burad-badeedda lagula tacaalayo ka wado Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, kuwaasoo ku wareejiyey dawladda Kenya oo maanta xukuntay, ka dib markii ay muddo xukun la’aan ugu jireen xabsiga.

Richard Odenyo oo ah xaakimka xukumay budhcad-badeedda ayaa sheegay inay min 7 sano oo xadhig ah ku xukumeen 24-ka budhcad-badeeda, ka dib markii la helay caddaymo ku filan kiiska loo haystay, isaga oo sheegay inay cabsi galiyeen shaqaalaha Markabkii ay isku dayeen inay qabsadaan isla-markaana rasaas ku rideen Markabkaasi.

Dalka Kenya, ayaa ka mid ah dalalka kooban ee damaanad qaaday xadhiga iyo xukunka budhcad-badeeda Soomaalida, dalalkaasina waxa ka mid ah Somaliland, Jasiiradda Seychelles iyo Mauritius.

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia/Office.