Dawladda Hoose ee Burco oo la wareegtay Dhul Cashuur laga siin waayey, digniinna u dirtay Shacabka

Burco(Aftahannews):- Xoghayaha Dawlada Hoose ee degamada Burco Cismaan Maxamed Sheekh Cismaan, ayaa sheegay inay qaar ka mid ah dadkii dhulka bannaan iska qabsaday ay kala wareeegeen, sidoo kalena waxa uu digniin u diray kuwa kale ee aan cashuurta bixin.

XOGHAYAHA DAWLADDA HOOSE EE BURCO 2

Xoghayaha dawladda hoose ee Burco waxa uu sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Burco. “Ujeeddada aan doonayo inaan ka hadlo waa cashuuraha sannadkii horena waan ka hadlay,Cashuuruhu waxay u kala baxaan,Casuur liisan, mid gaadiid iyo mid dhul, waxaanan dadwaynaha u sheegayaa in cashuuraha dhulka bannaan ay bixiyaan, ciddii bixin weydana dadka kale kama xigaan.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha Fulinta dawladda hoose ee magaalada Burco Cismaan Maxamed Sheekh Cismaan.

Waxaanu Xoghayaha dawladda hoose ee Burco intaa ku sii daray oo uu yidhi’; “Dhulka waxaa lagu yeeshaa waa cashuur, ciddii bixin weydan cashuurta waannu kala wareegaynaa, waanay jiraan qaar aanun la wareegnay kuwa kalena sidaas oo kale ayaannu ula wareegaynaa, kamana yeelayno nin dhul iska ootay ama iska seestay oo dabadeed iska maqan meel kasta ha joogaan sidaas aannu kuwa hore ula wareegnay ayannu inta danbena tallaabo uga qaadaynaa. Waayo?  Dadka kale kama xigo qofku haddii uu casuuran waayo dhulka.”

Xoghayaha dawladda Hoose ee Burco Cismaan Maxamed, waxa kale oo uu ka hadlay dhinaca nadaafadda iyo bilicda magaalada, waxaanu yidhi; “Laba arrimood ayaan doonayaa inaan u sheegno dadwaynaha, arrinta koowaad waa Gaadiidkii Hore ee Nadaafadda  waannu kordhinnay illaa sagaal Gaadhi iyo Afar Cagaf ayaannu gaadhsiinnay. Markaa, hadii aan Nadaafada dadwaynuhu gacan naga siinniin noo suurtoobi mayso inaannu adeegga fulinno, markay dadwaynuhu nala shaqeeyaan ayaannu annaguna shaqayn karnaa. Sidaas awgeed, waxaa loo baaanyahay in aad Gaadiidka qashinka iyo Goobaaha loogu talo-galay aad geyasaan.”

Waa markii ugu horreysay ee ay dawladda hoose ee magaalada Burco, shaaciso inay qaadday tallaabo ay kula wareegtay Dhulka ay Dadka Muwaaddiniinta ah ee Reer Burco qaarkood, iyada oo ku doodday dawladda hoose inay dhulka ay la wareegta dadka iska lahaa bixin waayeen cashuurta sharciga ah ee ku waajibtay, isla markaana ay cidda kale ee bixin wayda cashuurtaas ay sidan oo kale ugala wareegi doonaan.

Aftahannews.com

Burco/Somaliland.