“Waxaan Xorriyaddayda helay Markaan Diiday Dammaanad Cali Waran-cadde oo la isticmaalayey loo soo dhiibay..”

Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar oo ka hadlay qaabka loo soo daayey iyo sababta xadhiggiisu la xidhiidhay..

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Togdheer, Guuleed Daahir Samater, ayaa sheegay in xalay la soo-daayey, ka dib markii uu diiday sida uu sheegay dammaanad uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde doonayey inuu Saldhigga kaga soo saaro.

Guuleed Daahir Samatar

Guuleed Daahir Samatar, waxa uu sheegay in markii uu diiday dammaanadda Wasiir Waran-cadde, ka dib isaga oo sharaf leh la soo-daayey, waxaanu ku dooday in sababta loo xidhay la xidhiidho la xidhiidho runta maxaad u sheegaysaa ee aad dawladda u dhalliilaysaa, sida uu isagu hadalka u dhigay.

Badhasaab Ku-xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guuleed Daahir, waxa uu sidaa sheegay mar uu maanta warbaahinta qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa oo uu ku sugan yahay. “Anniga xadhigaygu wuxuu ahaa maxaad runta u sheegaysaa, maxaad u sheegaysaa dhaliisha dawladdu leedahay.”

“Waxaan ku soo baxay oo aan xorriyaddayda helay markaan diiday dammaanad Cali Waran-cadde oo la isticmaalayey loo soo dhiibay.” Sidaa ayuu yidih Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar, waxaanu xusay inuu markii dammaanadda loola tagay diiday, isla markaana ku dooday inuu hor-taagan yahay Maxkamad sharci ah si haddii uu dembi leeyahayna tallaabo looga qaado, haddii aanu lahayna ay Maxkamaddu u caddayso.

“Markaan diiday dammaanaddii ee aan idhi Maxkamadda sharciga ah ayaan hor-taaganahay (haddii dambi la igu haystay), markii 24 saacadood la isku wareegayey ayaa anniga oo xor ah oo sharaf leh aan soo baxay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Togdheer Guleed Daahir Samatar.

Guuleed Daahir Samatar ayaa muddo toddobaadyo ah ku xidhnaa Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa, ka dib markii bishii hore ay Saqdhexe Ciidammada RRU-da ee Booliska Somaliland saqdhexe ka soo qabteen Gurigiisa magaalada Burco, isla markaana lagu soo xidhay Xabsiga magaalada Berbera oo afar maalmood ka dib laga siidaayey, loona soo dhaadhiciyey Hargeysa oo markuu maalmo joogay haddana dib loogu xidhay.

Ururrada u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadamaha ee Somaliland, Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID, WADDANI, Siyaasiyiin kale iyo Madax-dhaqameed kala duwan, ayaa si kulul u cambaareeyey Xadhigga Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Mr.Guuleed, kaasoo ay ku tilmaameen xadhig sharci-darro ah iyo handadaad ay Xukuumaddu ku hayso Muwaaddin aan wax dembi ah gelin sida ay ku doodeen, waxaanay Xukuumadda marar kala duwan ka dalbadeen in xorriyaddiisa loo soo celiyo Guuleed, waxaanu xorriyaddiisa dib u helay Xalay oo laga sii daayey Saldhigga Booliska oo uu muddo ku xidhnaa.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.