“Dowlada waxaa ka go’an in Wadahadalada Dibada lagu qabanayo in lagu qabto dalka gudihiisa”

 

MuqdishXasan-Sheekho(Aftahan News) Madaxweynaha somaliya  Xasan Sh. Maxamuud oo khudbad ka jeedinaya Golaha Baarlamaanka somaliya Maanta ayaa sheegay in Qorshaha somaliya uu yahay in la helo Somalia oo mid ah.

Xasan Shiikh oo ka hadlayay wadahadalada somaliya iyo Somaliland u dhexeeya ayaa sheegay in sababta ay wadahadalka ugu jiraan ay tahay inay fuliyaan mid ka mid ah Tiirarka ay ku shaqeynayso DF oo ah in dib loo soo celiyo Midnimadii Somalia, ayna arintaas u marayaan Wadahadalada hada socda.

“Sidaad la socotaan Wadahadalada somaliya iyo Somaliland way socdaan mar kale in la isku soo laabto ayaana lagu balamay. somaliyana waxaa ka go’an in la sii wado Wadahadalada oo si nabad ah aan ku gaarno midnimada Soomaaliya. waxaa ka dhalanaya kalsooni badan iyo isku soo dhawaasho. Waxaan arrintaas uga mahadcelinayaa dowladda Turkiga iyo shacabkooda oo si joogta ah fulinta arintan ugu taagan” ayuu yidhii Xasan Shiikh.

Madaxweyanha ayaa sidoo kale wareysi uu bixiyay dhawaan ku sheegay in qorshahooda uu yahay inay Wadahadaladaas ka dhacaan gudaha somaliya oo lagu qabto meeshii lagu heshiiyo Muqdisho, Hargeysa ama meel kale.

“Dowlada waxaa ka go’an in Wadahadalada Dibada lagu qabanayo hada lagu qabto dalka gudihiisa, Hargeysa, Muqdisho iyo meeshii kale ee lagu heshiiyo, waana arin aan xooga saarayno sidii aan ku hirgelin lahayn” ayuu hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, Madaxweyanha DF ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas isagoo Alle uga baryay inuu howsha loo xilsaaray uu fulinteeda la garab galo.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an inay si hagar la’aan ah ula shaqeyso Madaxweynaha Puntland iyo Maamulkiisa, si loo wada gaarno himilada aan hiigsaneyno ee ah Soomaaliya oo mid ah, isla markaana leh Dowlad rasmi ah oo leh xasiloon, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Puntland waxay hormuud ka tahay Federaalka iyo Midnimada Soomaaliya, sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah inaan ka wada shaqeyno dhaqan-gelinta federaalka iyo sidii aan ku gaari lahayn doorashooyin ka dhaca Soomaaliya,” ayuu mar kale yidhi Madaxweyanaha DF.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Somalia wuxuu sheegay inuu u hambalyo taas la mid ah u dirayo Hoggaamiyaha Maamulka Jubba Sh. Ahmed Madoobe oo dhawaan soo dhameystiray hay’adii fulinta ee maamulkaas, tanoo qeyb ka ahayd heshiiskii Addis Ababa. Waxaana u rajeynayaa buu yiri in maamulka KMG Jubba uu ku guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaalla ayna kala shaqeyn doonto DF xoreynta deegaanada maamulkaas ee ku jira gacanta Al-shabaab.

Inkastoo Xasan Sh. Maxamuud uu sheegay in qorshaha Wadahadalada ay ugu jirto DF sidii lagu heli lahaa Somalia oo mid ah ayaa hadana xubnaha u matalaya Somaliland shirka waxay sheegeen inay iyaguna dadaal ugu jiraan sidii ay Somaliland gooni isu tageedu yahay lama tabtaan wada hadalduna ay ka sugyaan sidii somaliland loo ictiraafi laha.

Aftahan News

Muqdisho/Somalia/Office