Xildhibaan Weyrax oo Xukuumadda Usoo jeediyay In Xoriyadooda u Sooceliyaan Dhalinyarada Uxidhan Fikirkooda Ay Cabireen

maxamed AwaadanHargeysa (aftahannews)-xildhibaan maxamed Awadan weyrax oo ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka Caasimadda hargeysa ayaa xukuumadda u soo jeediyay in ay xoriyadooda u soo celiyaan . dhalinyarada cabirtay fikirkooda ,waxa uu xildhibaanku xusay in bil ramadaan lagu jiro.
waxa kale oo uu xildhibaanku xusay in qofkasta uu xaq-dastuuriya u leeyahay in uu fikirkiisa cabiro shaqsiga ah , xildhibaanka ayaa waxa uu ku daabacay bartiisa facebook waxa uuna u qornaa qoraalkaasi sida tan,
XUKUUMADDA SOMALILAND WAXAAN U SOO JEEDINAYAA IN AY XORIYADOODA U SOO CELISO DHALINYARADA U XIDHXIDHAN MUDDADA AAN KA YARAYN LABAATANKA CISHO WAXA LAGU JIRAA BIL RAMADAAN QOFKASTAA XAQ BUU U LEEYAHAY FIKIRKIISA SIDA KU XUSAN DASTUURKA DALKA QOFKA DEMBI LAGU EEDEEYO WAA IN 24 SAAC KA DIB MAXKAMADA LA HOR GEEYO TANI WAXA KELIYA OOY KEENAYSAA CUQDAD IYO XANUUN IYO NAC KU DHACA DHALINYARADA MAAHA IN LOO XIDHO XISBI KALE AYUU KU JIRAA OON KA DAWLADA AHAYN IYO WAANU SHIRAYNAA BUU YIDHI YAA XAARAANTIMEEYEY SHIRARKA AY BULSHADU QABSATO IMISA SHIR AYAA LA QABTAY HADII MASUULIINTA LA YIDHAA SHIRKAYAGA KUMA JIRTAAN MA QARAN DUMIN BUU NOQONAYAA SHIRKAASI WAXAAN XUKUUMADA KULA TALINAYAA INTA AANAY HALKAA DHAAFIN IN FARAHA LAGA QAADO DHALINYARADAN OO XORIYADOODA LOO SOO CELIYO

 

Aftahannews/office/Hargeysa/S/land