“Waxaan Rejaynayaa Inay Japan Shacabkayaga u Horseeddo inay Gaajada ka baxaan oo ay…” Madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho(Aftahannews):- Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inuu rejaynayo inay dawladda Japan oo dhaqaale xooggan lihi Maal-gashato dalka Soomaaliya, isla markaana ay Shacabka Soomaaliyeed u horseedi doonto inay Gaajada ka baxaan oo ay Barwaaqo ku noolaadaan.

Danjiraha_Somalia_Japan_2

Danjiraha_Somalia_Japan_1 Danjiraha_Somalia_Japan_3

Danjiraha_Somalia_Japan_6 Danjiraha_Somalia_Japan_4

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey kulan uu maanta Xafiiskiisa kula yeeshay Safiirka cusub ee dawladda Japan u soo magacawday inuu u fadhiyo Soomaaliya, kaasoo uu Madaxweyne Xasan maanta ka guddoomay Waraaqihiisa aqoonsiga.

Safiirka cusub ee Japan u soo magacawday inuu wakiil uga ahaado Soomaaliya oo lagu magacaabo Tatsushi Terada, ayaa ka mahad-celiyey sida quruxda badan ee loogu soo dhoweeyey Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isla markaana Madaxweynuhu uga guddoomay Waraaqihiisa aqoonsiga.

Kulanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Waraaqaha Aqoonsiga kaga guddoomay Safiirka Japan, waxaa goob-joog ka ahaa Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Foosiya Yusuuf Xaaji Aadan. Safiirka Japan, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Japan ay leeyihiin xidhiidh taariikhi ah, haddana Japan ay dooneyso inay Soomaaliya ka caawiso dhanka amniga iyo dib-u-dhiska dalka.

“Japan waxey na tustay sida ay u tahay saaxiib ay ka go’an tahay inay ka dhabeyso ballan-qaadyadii hore loogu sameeyey Shirkii gaarka ahaa ee bishii May sannadkii hore lagu qabtay Yokohama oo beesha caalamka tustay sida ay Japan door hoggaamineed uga qaadaneyso arrimaha Soomaaliya.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxaanan uga mahad-celinayaa dowladda Japan sida ay u daneyneyso Soomaaliya iyo kaalmadooda dhanka amniga, dib-u-dhiska iyo kor-u-qaadista tayada shaqaalaha dowladda oo ay Saraakiil badan oo ay tabobbar ku soo siisey dalka Japan.”

Waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud u mahad-celiyey dawladda Japan, gaar ahaanna Safiirka cusub ee Japan u fadhiyi doona Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaanu yidhi; “Waxaan kaaga mahadcelinayaa booqashadaada Muqdisho, oo ah tallaabooyinkii ugu danbeeyey oo na tuseysa inaan beesha caalamka doorkeenii ku soo noqonay.”

“Bacdamaa aan xasilineyno dalka oo aan horumar joogta ah ku tallaabsaneyno, waxaan rejeynayaa in Japan oo ah dowlad dhaqaalaheedu xooggan-yahay inay dalkeenna maal-geshadaan oo shacabkayaga oo leh dal kheyraad fara badan ay u horseeddo inay Gaajada ka baxaan oo Barwaaqo ay ku noolaadaan.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanka uu Safiirka Japan Soomaaliya u soo magacawday uu la yeeshay ka dib warbaahinta la hadlay.

Aftahannews.com

nuuraani90@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.