Daawo Waraysi lala yeeshay Gabadh Hooyadeed iyo Walaasheed lagu Dilay Jaamac-Dubbad, Sidee loo Aasay Meydadka la Xasuuqayay?

Burco(Aftahannews):- Ifraax Maxamuud Jaamac-weyne oo Hooyadeed iyo Walaasheed ka mid ahaayeen Dadkii Shacabka ahaa ee ay Ciidammada Millateriga Federaalka Itoobiya oo kaashanaya Liyuu Booliska Dowlad-deegaanka Soomaalida ay 5-tii bishan ku laayeen Tuulada Jaamac-Dubbad oo ka tirsan degmada Gaashaammo ee gobolka Jarar ee Itoobiya, ayaa ka warrantay sidii wax u dhaceen iyo qaabka loo aasay Meydadka 21 Qof.

Waxaa sidoo kale dhaawac ah Wiil yar oo ay dhashay Walaasheed oo iyadoo sinta ku sidda xabbadda lagu dhuftay, waxay sheegtay inay Gurmad ku tageen iyagoo ka tegay Burco markii ay maqleen in Hooyadeed iyo Walaasheed la dilay, waxaanay sheegtay sidii loo gedoomiyey iyagoo Haween keliya ahaa markaa, looguna diiday inay galaan Tuulada Jaamac-dubbad.

Ifraax waxay sheegtay in Guddoomiyaha degmada Gaashaammo iyo Masuuliyiin kale oo Federaalka Itoobiya ka tirsani soo oggolaadeen in la aaso Meydadka oo markii hore Ciidammadu diideen in la aaso amaba ay cidi-ba is-dul-taagto, waxaanay amar ku fareen markii ay dadka isugu yeedheen inaan la arki karin qof ooyaya, qof murugaysan iyo cid wax kale wadda toona, ee ay Meydadka si bilaa sanqadh ah ku aastaan, welibana laga doonayo dadka Deegaanka Cashuurta Xabaalaha Meydadka lagu aasayo.

Si Murugo iyo Qiiro leh ayey Ifraax uga warrantay dhacdadaas oo aad u naxdin badan iyo wixii ay kala kulmeen Jaamac-Dubbad iyo deegaanna loo sii maro marka Burco laga baxo iyo weliba sidii ay iyada iyo dadweynihii kale ee Tacsida dadkaas Xasuuqaas u tegay Jaamac-Dubbad ay kaga soo baxeen halkaas oo ay Ciidammada Itoobiya gaadh ka hayeen, iyagoo 21-ka qof ee la dilay la sheegay inay ka mid yihiin toddoba Haween ah iyo Lix Carruur ah iyo weliba Odayaal Waayeel ah.

Waxaannu Waraysigaas oo Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon uu qaaday ama la yeeshay Ifraax Maxamuud Jaamac-wayne Weriye Cabdi sida loo dilay Hooyadeed Hibo Haaruun Bariisle iyo Walaasheed Caasha-qadan Maxamuud Jaamac-wayne, laguna dhaawacay Wiil-yar oo walaasheed dhashay iyo sida wax u dhaceenba iyadoo ka hadlaysa, waxaan Waraysigeeda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahanenws.com

Hargeysa/Somaliland.