“Waxaan Canbaaraynayaa Xadhigga Xaq-darrada ah ee Afhayeenka G/Dhalinyarada Xisbiga WADDANI..” Faadumo Siciid

FAADUMO SICIID IBRAAHIN

London(Aftahannews):- La-taliyaha Siyaasadda arrimaha dibedda Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Faadumo Siciid Ibraahin, ayaa cambaaraysay Xadhig ay sheegtay in Xukuumadda Siilaanyo kula kacday Afhayeenkii Garabka Dhalinyarada Xisbigaas Dhamme Sidiiq iyo Xubno Dhalinyarada gobolka Saaxil ka tirsan oo maalmihii u dambeeyey lagu xidhay magaalada Hargeysa.

FAADUMO SICIID IBRAAHIN
FAADUMO SICIID IBRAAHIN

Marwo Faaduumo Sicid oo musdoyinkan dambe Safareo shaqo dalka dibeddiisa kaga maqan, isla markaana ay wakhtigan ku sugan dalka Ingiriiska, ayaa War-Saxafadeed, ayaa sidoo kale kaga hadashay dhowr arrimod oo uu ka mid yahay heshiiska horraantii bishii hore ee May ay Xukumaddu la gashay Shirkadda Dubai Port World ee lagu wareejinayo Dekedda Berbera.

Qoraalka War-Saxaafadeedkaas ay Faadumo Siciid ka soo saartay London oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:- “Waxan aad iyo aad uga xumay xadhigga xaq-darrada ah ee lagula kacay Afhayeenka Garaabka Dhalinyarada Xisbiga WADDANI halgaama Maxamed Saadiq iyo Dhalinyarada kale oo waddankooda jecel iyagoo diiday in ay ka tahriiban, kuna adkaystay una samraya sidii dalkooda ay uga hirgelin lahayeen nidaamka dimuquraaddiga ah, sidoo kalena waxa sharciga waddankeennu ballaan-qadayaa ilaalinta Xoriyatul-qowlka iyo Xuquqda Muwaaddinka oo mustaaqbalkooda uu wanagsanaan lahaa.

Is-beddelkani waa is-beddelkii dhalinyarada Somaliland ay higsanayeen, ayaa haddana ay Xukuumaddu kaga mashquushay iibinta hantida Qaranku uu leeyahay oo ay ka mid tahay iibka Dekedda Berbera oo runti ah arrin wakhitgan tagaan, waxaana tallaabooyinkaasi ay caqabad ku tahay mustaaqbalka dhallinta dalka ay mugdi gelinayso.

download (23)

Hasee-yeeshee, dhallinta oo ah hoggaanka mustaqbaalka dalku su’aalo iska weydiyaan arrimaha khuseeyaa iibika ama maalgelina Dekadda Berbera halka lacagteedi la geeyey iyo Akoonnada Bangiyada lagu shubtay iyo qorshaha lagaga hortegayo shaqo laa’nta baahsan ay iibka Dekadda ay samaynayso.

Waayo? Shirkadda magaceeda la yidha Berbera Investment Company ee iibineysa ama bixineysa saamiga iyo arrimo badan oo kale mugdi leh in su’aalo la iska weydiiyo, isla markaana la iftimiyoo loona caddeeyoo shacabka hadday ka dhab tahay Xukuumadda Somaliland arrintani mid horumaarinaysa dalka.

Maxay Xukuumaddu hore uga faa’iidaysan wayday fursadihii hore ee horumaarinta dalka loo soo bandhigay uga faa’ideysan wayday iyadoon u baahnayn in Dekadda ay iibisaa, waxay ku tusaysaa in Xukuumaddeennu ay ka soo hor-jeeddo horumaarinta shacabkeeda haddaanay dano gaar ahi ugu jirin?” Sidaa ayey qoraalkeeda ku tidhi Faadumo Siciid.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.