Ciidammo Gaadhay Balli-dhiig oo Liyuu Booliska Itoobiya ku dhibeen Astaanta Somaliland & Masuul ka hadlay

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA TOGDHEER MAXAMED IBRAAHIN QABO

Balli-dhiig(Aftahannews):- Masuuliyiin Xukuumadda Somaliland ka tirrsan iyo Weliba Cutubyo ka mid ah Millateriga, ayaa gaadhay degmada Balli-dhiig oo ka tirsan gobolka Togdheer, isla markaana ku taalla Xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya, ka dib markii ay Ciidammo Liyuu Booliska dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ka tirsani Daandaansi halkaas ka sameeyeen, isla markaana ay ku Gubeen ama ku Jeex-jeexeen Calanka Jamhuuriyadda Somaliland.

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA TOGDHEER MAXAMED IBRAAHIN QABO
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA TOGDHEER MAXAMED IBRAAHIN QABO

Sida uu Xaqiijiyey Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin Qabo oo ka mid ah Masuluiyiinta gaadhay Balli-dhiig Sabtidii Maanta, waxay Ciidammo ka tirsan Liyuu Booliska oo uu sheegay inay maalmihii u dambeeyey ay dadweynaha deegaannadaasi aad uga cabanayeen, ay googooyeen ama jeex-jeexeen Calanka Somaliland, halka ay warar kale sheegayaan inay Calanka gubeen.

Ciidammada Somaliland ee gaadhay Balli-dhiig iyo deegaannada ku teedsan Xuduudka, ayuu Badhasaabka gobolka Togdheer sheegay inay halkaas u tageen sugidda Nabadgelyada Dadka iyo Deegaanka, ka dib markii ay dhaqdhaqaaqyo Cabasho shacab dhaliyey deeggaannadaas ka sameeyeen Liyuu Booliska dowlad-deeganaka Soomaalida Itoobiya, wixii ka dambeeyey markii ay Dad Shacab ah ku laayeen Deegaanka Jaamac-Dubbad oo ka tirsan Degmada Gaashaammo ee gobolka Jarar ee Itoobiya.

Dhacdada gubista ama jeex-jeexa Calanka Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ku kaceen Ciidammada ka tirsan Liyuu Booliska dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo 21-ka qof ee Shacabka ah ee Jaamac-Dubbad oo Gaashaammo oo Beriga Itoobiya ah, inkastoo tiro intaa ka badan la sheegay haddana 21 baa la xaqiijiyey inta la aasay, ayey maanta kulan ku dhex-maray magaalada Hargeysa kaga wadahadleen dowladaha Somaliland iyo Federaalka Itoobiya, iyadoo Masuuliyiin ka socday Itoobiya ballan-qaadeen inay baadhi doonto dowladdoodu sida ay labadaas arrimoo u dhaceen, ciddii dembigooda yeelatana ay Sharciga horgeyn doonto.

Hase-yeeshee, Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin Qabo, ayaa markii uu Balli-dhiig gaadhay Weriyaha Burco ee Horn Cable TV Kayse Axmed Digaale uga warramay Ciidammada iyo Xukuumadda Xubnaha ka socda ee halkaas gaadhay iyo dhibaatada ay u tageen ee Liyuu Boolisku geysteen, waxaanan isagoo Guddoomiye Qabo ka warramaya arrimahaas idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.