Daawo Dowladda Federaalka Itoobiya oo Markii u horreysay ka hadashay Mashaqadii Gaashaammo

Regasa Kefalewu State Minister, Ministry foreign Affairs of Ethiopia and Prisedenta Of Somaliland Ahmed Silanyo

Hargeysa(Aftahannews):- Dowladda Federaalka Ethiopia, ayaa markii ugu horreysay ka jawaabtay ama ka hadashay 21 Ruux oo ay Dumar iyo Carruur iyo Waayeel-ba ku jiraan oo ay Ciidammada Finaaska loo yaqaan Federaalka iyo kuwa Liyuu Booliska ee Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ku laayeen shantii bishan deegaanka Jaamac-Dubbad oo ka tirsan degmada Gaashaammo oo ka mid ah gobolka Jarar ee Itoobiya.

Regasa Kefalewu State Minister, Ministry foreign Affairs of Ethiopia and Prisedenta Of Somaliland Ahmed Silanyo
Regasa Kefalewu State Minister, Ministry foreign Affairs of Ethiopia and Prisedenta Of Somaliland Ahmed Silanyo

Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda dowladda Federaalka Itoobiya Mr. Regasa Kefalewu  oo hoggaaminayey Wefti Itoobiya u soo dirtay Somaliland oo maanta kulan kula yeeshay Madaxtooyada magaalada Hargeysa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirro Xukuumaddiisa ka tirsan, oo ay arrimahaas iyo kuwo kale ka wadahadleen Weftiga ka socday Itoobiya.

Ka sokow wadahadalka Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland wada yeesheen Weftiga Itoobiya ka socda, waxa uu sheegay Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda dowladda Federaalka Itoobiya Mr. Regasa, ayaa la weydiiyey waxay dowladdiisu kala socoto dadka Shacabka ah ee ay Ciidammada Itoobiya ku laayeen deegaanka Jaamac-dubbad ee degmada Gaashaammo.

“Arrintaasi aad I weydiisay waxa jira baadhitaanno ku saabsan sida wax u dhaceen, haddii dembi halkaasi ka dhacayna, waxa la hor-geyn doonaa Sharciga dowladda Itoobiya cidda geysatay.” Sidaa ayuu yidhi oo uu ku jawaabay Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda dowladda Federaalka Itoobiya Regasa Kefalewu.

Xukuumadda Somaliland, ayaa iyaduna dhinaceeda ka hadashay waxay Weftiga Itoobiya iska yidhaahdeen Shacabkaas lagu laayey Deegaanka Jaamac-Dubbad oo ka tirsan degmada Gaashaammo ee gobolka Jarar ee Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo weliba Daandaansi la sheegay inay Ciidammo Liyuu Booliska Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ka tirsani ka sameeyeen degmada Balli-dhiig oo ka tirsan gobolka Togdheer, kuna taalla Xadka ama Xuduudka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya.

Shir Jaraa’id oo ay Xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa ku wada qabteen Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda dowladda Federaalka Itoobiya Regasa Kefalewu, isla markaana su’aasha kor lagu weydiiyey Wasiiru-dawlaha iyo Faahfaahinta waxyaabaha ay labada dhinac ka wadahadleen-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsna:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.