Fannaanad Caan ahayd oo Toogasho lagu dilay iyo Ninkii Toogtay oo isaguna is-khaarajiyey

Christina Grimmie

Orlando(Aftahannews):- Fannaanad u lagu magacaabi jiray Christina Grimmie oo u dhalatay waddanka Mareykanka, ayaa toogasho lagu dilay magaalada Orlando oo ka tirsan gobolka Florida ee dalka Maraykanka.

Christina Grimmie
Christina Grimmie

Waxa la sheegay in Nin hubeysani uu rasaas ku furay iyadoo u saxiixeysa magaceeda Taageerayaal ka dib markii ay soo dhammeysay Riwaayad ka dhacday ama ay ka dhigaysay magaalada Orlando ee dalka Maraykanka.

Fannaanadda Christian Grimmie oo 22 jir aheyd, ayaa ku dhimatay Cusbitaalka markii dhaawac lagu geeyay halkaas. Ciidammada Booliska ee magaaladaas, ayaa sheegay in Ninka hubeysnaa uu isdilay ka dib markii ay gacanta isula tageen Walaalkeed.  

Sannadkii 2014-tii ayey Fannaanaddan lagu magacaabi Christian Grimmie kaalin ka gashay tartanka Heesha ee loo yaqaan “The voice” ee laga qabto waddanka Maraykanka, iyadoo markaa wakhtigii ka dambeeyey ka mid ahayd Fannaaniinta ka caanka ah dalkaas ee ay taageeraan dadka reer Maraykankan.

Bandhigga The voice, ayaa bartooda Twitterka ku qoray, waxaanu qoraalkaas ku yidhi; “Inay niyad jabeen oo ay lumiyeen naf qurux badneyd oo cod layaab ah laheyd.” Boolisku waxay kaloo sheegeen in la dilay jimcihii markii ay saacadu aheyd 22.45 watiga gudaha.

Booliska, ayaa hadda wada baadhista sida ay ku dhacday in Ninkan uu ku soogalo halka ay ruwaadda ka socotay. Warka weerarka ayaa degdeg ugu baahay baraha bulshada, iyadoo taageerayaal badan ay muujiyeen sida ay uga naxeen, sida ay Baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo aannu Warkan ka soo xigannay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.