Toos u Daawo Munaasibadda Aaska Feedhyahankii Caalamka Maxamed Cali Kalay oo Live u socota

AASKA MAXAMED CALI KALAY

Louisville(Aftahannews):- ALLAAH ha u naxariistee Feedhayahankii Caalamka ee Marxuum Maxamed Cali Kalay oo toddobaadkii hore geeriyooday, ayaa Munaasibadda Aaskiisu ka socotaa goob magaalada Louisville ee Kentucky ee dalka Maraykanka.

AASKA MAXAMED CALI KALAY
AASKA MAXAMED CALI KALAY

Waxaa Salaadda Jinaasada lagu tukaday Xalay oo ay Kumannaan Muslimiin ah oo Masuuliyiin dunida Islaamka ka tegay ku jiraan ku tukadeen, waxaana waddooyinka dhinacyadeeda Tubnaa Dadka reer Maraykanka Diin kasta oo ay haystaan oo Macasalaamaynayey Meydka Marxuumka oo ay Gaadhiga Siday Ubaxyo ku daadinayeen.

Haddaba, annaga oo Warbixino kala duwan idiinka diyaarin doona Aaska Marxmuum Maxamed Cali Kalay, waxaannu immika idinku soo dhawaynaynaa Munaasibadda Aaskiisa oo si toos ah u socota, isla markaana Khudbado kala duwan oo lagaga hadlayo Taariikhdiisa Dahabka ah, aannu idiinku soo gudbin doonnaa Muuqaalkan Hoose oo aad si toos ah uga daawan kartaan sida ay Xafladdaasi u socoto.

Daawasho wacan oo wanaagsan Muuqaalkan Hoose ee Tooska ah:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.