Diyaarado Duqaymo ka geystay Buuraladayda Galgala, Argaggax iyo Dhibaato Shacabka Soo Gaadhay

DIYAARADAHA MARAYKANKA OO AL-SHABAAB DUQEEYEY

Galgala(Aftahannews):- Diyaarado kuwa Dagaalka ah ee aan Duuliyaha lahayn, ayaa Duqaymo ka geystay dhawrkii habeen ee u dambeeyey Buuraladayda Galgala oo ka tirsan Silsiladda Buuraha Golis, kana tirsan gobolka Bari ee Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

DIYAARADO DUQEEYEY BUURAHA GALGALA EE AL-SHABAAB SALDHIGGA U AH
DIYAARADO DUQEEYEY BUURAHA GALGALA oo AL-SHABAAB SALDHIGGA U AH

Buuralayda Galgala ee Duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa Saldhig u ah Kooxo ka tirsan Al-Shabaab oo sannadkii hore sheegay inay si rasmi ah ugu biireen Kooxda Daacish ee ka dagaallanta qaybo ka tirsan dalalka Carabta ee Ciraaq iyo Suuriya, halkaasoo Maamulka Puntland dhawr sano kula dagaallamayey Al-Shabaabta fadhiisinka ka dhigatay, inkastoo ay weli Saldhig u tahay Kooxdaas.

Diyaaradaha Duqaymaha ka geystay saddexdii habeen ee u dambeeyey, ayaan weli la aqoonsan dowladda leh, hase-yeeshee, waxaa loo malaynayaa inay ka mid yihiin Diyaaradaha dagaalka ee Ciidammada Maraykanka. Waxaase la sheegay inay Diyaaradahaasi ka soo duulaan ama ka soo kacaan Maraakiib Badda joogta sida loo malaynayo.

Qaar ka tirsan Dadka ku dhaqan Deegaanka Buuraha Galgala ee ay Diyaaraduhu Duqaymaha ka geysteen, ayaa sheegay inay Shacabka Deegaankaas oo Xoolo-dhaqato u badan ay argaggax badan ku abuureen, isla markaana ay kala yaaceen dadku, sidoo kalena Xoolo lagu waayey, qaarna ay Gantaalaha Diyaaradahaasi ganeen ama rideen ku dhaceen.

Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA u sheegay Nin Deegaankaas Dadka deggan ka tirsan oo sababo Ammaankiisa la xidhiidha dartood ka gaabsaday inuu Magiciisa shaaciyo, ayaa sheegay in Dadka iyo Duunyada ku dhaqan Galgala dhibaato ka soo gaadhay Duqaymaha ay halkaas ka fuliyeen Diyaaradaha aanay aqoonsan cidda ama dowladda iska leh.

“Waxa ka dhacay Duqayn Buuraha Cal-madoow ee Galgala, meelaha ay ka dhacday duqayntaasina waxaa ka mid ah meelo ay deggan yihiin Dad Shacab ah oo Xoolo-dhaqato ah ayey u badan yihiin. Waxay Duqayntu dhacday Habeenkii Arbacadii, Shalay oo Khamiis ahayd, xalay gelinkii hore oo isla Khamiis Jimco soo galayo ahayd.” Sidaa ayuu yidhi Goob-joogahaasi.

Waxaanu intaas ku sii ladhay; “Xoolo ayaa la waayey, Xoolo ayaa la sheegayaa inay Duqaymahaasi ku dhaceen, Dadkii Shacabka ahaa qaarkood waa kala yaaceen, qaarkood waa la layahay weli. Meelaha qaar Ceelal Xoolo Lo’ u badani ka cabbaan baa jira.”

“Waxay leeyihiin waxaa la duqeeyey meelo la sawiray oo ay leeyihiin wax baa lagu arkay, laakiin dadka shacabka ahi waxay arkeen ma jiro. Diyaaradaha Cidda leh ma garan karno, Badda ayey ka soo kacaan baa la yidhi.” Sidaa ayuu yidhi Goob-joogaha ka gaabsaday in magiciisa la shaaciyo.

Waxaanu Goob-joogahaas oo sii watay sharraxaaddiisa intaas ku daray oo yidhi; “Maamulka Puntland dhawr jeer bay ku dagaallameen oo Al-Shabaab way joogtaa, laakiin meelaha Xooluhu ka cabbaan ee ay dadka Shacabka ahi deggan yihiin way ka weecan jireen oo Sawirro jeheeya ayey bixin jireen.

“Puntland marar baa jirtay ay dadka war-geliyaan oo ay yidhaahdaan ka guura. Laakiin, way dhacday dhawr jeer in labada dhinac-ba dadka Shacabka ah handadaan ama dhibaateeyeen.” Sidaa ayuu yidhi Ninkan ka gaabsaday in magiciisa la shaaciyo ee caawa u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA oo aannu warkan ka soo xigannay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com                                                   

Hargeysa/Somaliland.