Magaalada Cadan ee Yemen oo laga Joojiyey Cunista iyo Ka Ganacsiga Qaadka oo isla Dalkaas ka Baxa

QAADKA OO LAGA JOOJIYEY MAGAALADA CADAN EE DALKA YEMEN

Cadan(Aftahannews):- Magaalada Cadan ee dalka Yemen, ayaa laga mamnuucay in maalmaha la shaqeynayo lagu iibiyo Qaatka, oo si weyn ay u cunaan dadka dalkaasi, isagoo waddankaasi ka mid ah dalalka uu Qaadka ama Jaadku sida aadka ah uga baxo ee in uu dibedda u dhoofiyo mooyee isaga aanu dibedda Qaad uga iman.

QAADKA OO LAGA JOOJIYEY MAGAALADA CADAN EE DALKA YEMEN
QAADKA OO LAGA JOOJIYEY MAGAALADA CADAN EE DALKA YEMEN

Sababta ayaa lagu sheegay in qaatka uu dhibaato dhaqaale iyo mid bulshaba u leeyahay shacabka Yemen, isla markaana biyo badan lagu waraabiyo beeraha uu ka baxo.

Suuqyada lagu iibiyo Qaatka ee Cadan ayaa marnaa, waxaana hadda la ogol yahay in laga ganacsado maalmaha aanay shaqada jirin. Beeraha Qaatka ayaa lagu qiyaasaa in lagu waraabiyo saddex meelood meel biyaha gabaabsiga ah ee dalkaasi.

Sanadkii lasoo dhaafay, qabiil degan magaalada Mukalla ayaa shaaciyay inuu Qaatka magaaladaasi ka mamnuucay, ka dib markii ay maamulkeeda la wareegeen xooggaga Al-Qaacida Yemen ee dowladda dalkaas dagaalka kula jirtay ee loo yaqaanno Xuutiyiinta.

Xigasho BBCSomali.com.