Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Qarka u saaran in Siddeed Boqol oo Eedaymood Maxkamad lagu taago

Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma

Pretoria(Aftahannews):- Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma, ayaa qarka u saaran in dib loogu soo oogo eedeymo gaadhaya ku dhawaad 800 (siddeed boqol) oo musuqmaasuq la xidhiidha, kuwaasoo Dacwad-oogaha guud ee dalkaasi uu la laabtay sannadkii 2009-kii faragelin siyaasadeed oo lagu sameeyey dartood.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma
Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma

Arrintani ayaa timid kaddib markii Maxkamadda sare ee dalkaasi ee fadhigeedu yahay magaalada Pretoria ay sheegtay in go’aankii dacwad oogaha guud ee dalkaasi uu uga laabtay eedeymahaasi ay tahay in dib loo eego maadaama go’aankaasi uusan cagli gal ahayn.

Qaaliga maxkamadda ayaa sheegay in madaxweyne Zuma ay tahay in uu wajaho eedeymahaasi oo la xiriira heshiis dhanka gaashaandhigga ah oo ay ku baxday balaayiin doolar. Laanta qaran ee dacwad oogista dalkaasi ayaa haatan ay tahay in ay go’aan ka gaarto in ay dacwaddaasi dib u fureyso iyo in kale.

Madaxweyne Zuma ayaa bilihii u dambeeyay la kulmayay caqabado badan, iyadoo xubno sarsare oo xisbigiisa ka tirsan ay ku baaqeen in uu xilka ka dego.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Democratic Alliance oo dacwaddan hor keenay maxkamadda, ayaa doonayey in la laalo go’aankii sannadkii 2009-kii ee ahaa in Jacob Zuma lagu waayay musuq maasuqa iyo sharci darro ku macaashka, muddo yar uun ka hor intii uusan noqon madaxweynaha dalka.

Sababtana waxa lagu sheegay in xisbiga mucaaradka ahi rumaysanyahay in dano siyaasadeed laga lahaa. Eedahaasi waxa ka mid ahaa heshiis lagu soo iibinayay hub oo lagu eedeeyay in Jacob Zuma iyo ninkii xilka uga horreeyay Thabo Mbeki ay si sharciga baal marsan uga macaasheen.

Caddaynta ugu wayn ee dacwaddan loo hayo, ayaa ah cajalado sir ah oo laga duubay telefoonno ay ku wada hadlayeen taliyihii horee sirdoonka Koonfur Africa iyo dacwad ooge sare oo la sheegay in ay qorshaynayeen in aanu Zuma dalka madaxweyne ka noqon.

Xigasho BBSomali.com.