Daawo Aas Qaran oo Berbera loogu sameeyey Taliyihii Qaybta Booliska Saaxil oo Meydkiisu Maalmo yaallay

AASKA QARAN EE TALIYAHA BOOLISKA SAAXIL EE LA DILAY MARXUUM CASAYR (5)

Berbera(Aftahannews):- Allaah ha u naxariistee Meydka Taliyihii Qaybta Booliska gobolka Saaxil Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) oo Salaasadii toddobaadkan dhammaaday Dablay hubaysani ku dileen deegaanka Biyoolay oo ka tirsan Saaxil, ayaa Jimcihii Maanta Aas Qaran loogu sameeyey magaalada Berbera.

AASKA QARAN EE TALIYAHA BOOLISKA SAAXIL EE LA DILAY MARXUUM CASAYR (5)
AASKA QARAN EE TALIYAHA BOOLISKA SAAXIL EE LA DILAY MARXUUM CASAYR

Waxaa Aaska Marxuumka ka qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Xubno Golaha Wasiirrada ka trisan, Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada KULMIYE, UCID iyo WADDANI, Shir-guddoonka Golayaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada, Madax-dhaqameed Tiro badan, Maamulka gobolka Saaxil, Degmada Berbera iyo Masuuliyiinta laamaha dawlada ee Berbera iyo weliba dadweyne tiro badan.

Qaabka uu Aaska Qaran ee loo sameeyey MarxuumCabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) Jimcihii Maanta, ka dib markii siddeed ka tirsan Dablaydii ku eedaysnaa dilka Marxuumka gelinkii dambe ee shalay ay Ciidammada Qalabka sidaa gacanta ku soo dhigeen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Aaska Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.