Daawo Go’aanno Culus oo Golaha Wasiirrada Soomaaliya soo saareen iyo Madaxweynaha oo soo dhaweeyey

SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA SOOMAALIYA IYO XASAN SHEEKH

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyey go’aanno cusub oo ay Golaha Wasiirrada Xukuumaddu soo saareen, kuwaasoo intooda badani la xidhiidhaan Amniga iyo sidii loo xoojin lahaa iyo weliba in dib-u-dejin loo sameeyo Barakacayaasha gudaha dalkan ku bara-kacay.

SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA SOOMAALIYA IYO XASAN SHEEKH
SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA SOOMAALIYA IYO XASAN SHEEKH

Madaxweyne Xasan Sheekh ahna Taliyaha guud ee Ciidammada Qalabka sida, ayaa horkacayey kulammo deg-deg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda federaalku saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, kuwaasoo si adag loogaga wadahadlay, loogagana tashaday tallaabooyin cusub oo lagu xoojinayo Amniga Caasimadda Muqdisho iyo inta kale ee dalka lagu dari karo, ayaa ku bogaadiyey Golaha Wasiirrada sida deg-degga ah ee ay u soo diyaariyeen talooyin wax ka tari kara Nabadgelyada Muqdisho.

Go’aammada ay soo saareen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo lagu shaaciyey Shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirradu Khamiis kasta yeeshaan, ayaa Khamiistii Maanta markii Shirka Golaha Wasiirradu soo dhammaaday, waxaa Saxaafadda u sharraxay waxa lagaga wadahadlay iyo go’aammada kala duwan ee ay Wasiirradu soo saareen Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Maareeye Xayir.

Wasiir Maareeye oo Sharraxaad faahfaahsan ka bixiyey qodobbadaas iyo Warbixinta Shirarka aan caadiga ahayn ee saddexda Maalmood u socday Xukuumadda Soomaaliya oo Madaxweynuhuna qayb ka ahaa, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.