Tirada Muslimiin Afrika u dhashay oo lagu laayey Waddanka Maraykanka & Booliska oo ka hadlay

MUSLIMIIN AFRIKA U DHASHAY OO LAGU LAAYEY MARAYKANKA

Fort Wayne(Aftahannews):- Booliiska gobolka Indiana ee dalka Mareykanka ayaa weydiisanaya bulshada inay Caawimaad ka geystaan sidii loo ogaan lahaa cidda dilka laba nin iyo wiil yar oo kasoo jeeda Gobolka Sahel ee Qaaradda Africa ka dambeysay.

MUSLIMIIN AFRIKA U DHASHAY OO LAGU LAAYEY MARAYKANKA
MUSLIMIIN AFRIKA U DHASHAY OO LAGU LAAYEY MARAYKANKA

Saraakiisha Booliska ayaa Toddobaadkii hore waxay Guri ku yaalla Magaalada Fort Wayne ee Indiana ka helay, Meydadka Mohamedtaha Omar oo ahaa 23-jir, Adam Kame Mekki oo 20-jir ahaa iyo Muhannad Adam Tairab oo 17-jir ahaa, toddobaadkii tagay.

Ugu yaraan laba ka mid ah dadkan toogashada lagu dilay ayaa la xaqiijiyey inay muslimiin ahaayeen, inkastoo illaa iyo hadda aan la ogeyn sababta dilka ka dambeysay.

Dhanka kale, saraakiisha Booliiska waxay sheegeen inay Rumeysan yihiin in dilka Dadkan uusan Sabab u ahayn diintooda ama halka ay ka yimaadeen.

Inkasta oo uu jiro warkan kasoo baxay saraakiisha gobolka, dadka ayaa baraha bulshada ku muujinaya sida ay uga xun yihiin in Arrintan aysan soo Hadal-qaadin Mas’uuliyiinta Dalka Mareykanka.

Ugu dambeyn, Dadka qaarkood ayaa is-weydiinaya sida arrintaan looga hadli lahaa, haddii Muslimiintaan la dilay ay ahaan lahaayeen Caddaan, kuwa dilayna ay ahaan lahayaeen Dad Muslimiin.

Si kastaba ha ahaatee, Ma ahan markii guu horreysay oo Mareykanka lagu dilo dad Muslim ah, iyadoo horay Gobollo badan oo ku yaalla Mareykanka lagu dilay Dad Muslimiin ah oo ay ku jireen wiil, gabar uu qabay iyo gabar dumaashidiis ahayd, kuwaasoo Gobolka Bariga Dhexe iyo Pakistan kasoo kala jeeday.

XIGASHO: VOA SOMALI.COM.