Daawo Saraakiil Millateriga ka tirsan Somaliland oo Shaaciyey inay Xarunta Puntland ee Garoowe Weerarayaan

SARAAKIIL KA TIRSAN MILLATERIGA SOMALILAND OO PUNTLAND U HANJABAY

Laascaanood(Aftahannews):- Saraakiil ka tirsan Ciidammada Millateriga Somaliland, ayaa si kulul ugu hanjabay Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kaasoo ay uga digeen haddii uu joojin waayo faro-gelin uu ka wado jiidda Bariga Somaliland in Caasimadda Garoowe ee Puntland ku cawayn doonaan Ciidammada Somaliland oo laga qixi dooni.

SARAAKIIL KA TIRSAN MILLATERIGA SOMALILAND OO PUNTLAND U HANJABAY
SARAAKIIL KA TIRSAN MILLATERIGA SOMALILAND OO PUNTLAND U HANJABAY

Waxay Saraakiishan ka tirsan Ciidanka Millateriga Somaliland, sidaas ku sheegeen Shir Jaraa’id oo ay si wada-jir ah Isniintii maanta ugu qabteen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaanay ka hadleen dhaqdhaqaaqyada ay Puntland deegaanno Somaliland ka tirsan ka waddo, daandaansi iyo damac dhul oo ay bilawday sida ay sheegeen, iyagoo deegaannadaas iska hor-imaadyo hubaysani ku dhex-mareen Ciidammada Somaliland iyo Puntland.

Haddaba, Saraakiisha Ciidanka Qaranka Somaliland ee ka hadlay dhaqdhaqaaqyada colaadeed iyo dhul-ballaadhsiga ay ugu yeedheen ee ay sheegeen in Maamulka Puntland ka wado deegaanno Somaliland ah, waxaannu hadalladooda iyo Warbixinta Warkooda-ba, idiinku soo gudbinay Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.