War-Murtiyeed ka soo baxay Shir Madaxweyneyaasha Soomaaliya Ciidammadu ka joogaan yeesheen

Jabuuti(Aftahannews):- Hoggaamiyeyaasha dalalka ay Ciidammadu ka joogaan Soomaaliya ee Midawga Afrika oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Jabuuti, ayaa soo saaray War-murtiyeed ku saabsan baahida loo qabo Xoojinta, Tayeynta iyo guul ka gaarista hawl-galka AMISOM ee Xasilinta Somalia iyo burburinta Al-shabaab.

SHIRKA MADAXDA AMISOM UGA FURMAY JABUUTI
SHIRKA MADAXDA AMISOM IYO SOOMAALIYA UGA FURMAY JABUUTI

Kulankan oo ay Marti-gelisay Jabuuti, ayaa waxaa ka Qayb-galay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, kan Kenya, Uhuru Kenyatta, RW Itoobiya, Hailemariam Desalegn iyo Wakiilo ka kala socday Uganda, Burundi, Ururka Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midobay iyo Dublamaasiyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheeekh oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in Hawl-galka AMISOM uu guulo badan gaaray, balse haatan loo baahan yahay in la tayeeyo, sarena loo qaado Waxqabadkooda si guulo looga gaaro Dagaallada lagula jiro kooxaha Argagixisada, Nabad buuxdana loogu soo dabaalo Somalia iyo Gobolka Geeska Afrika.

“Somalia horumar la taaban karo ayay Sameysay, Waxaana Abaalkeeda leh dalalka maanta ay madaxdoodu halkan fadhiyaan oo go’aansaday inay Wiilashooda iyo Gabdhahooda noo soo diraan, kuwaasoo Naftooda u haray sidi Somalia ay nabad uga dhalin lahaayeen. Sidoo kale Muddadii Sagaalka Sanadood ahayd ee AMISOM ay ku joogtay Soomaaliya waxaa la gaaray guulo siyaasadeed oo ay ugu weyn tahay; Qorshaha Sannadkaan la doonayo in 47-sannadood kaddib ay dalka doorashooyin uga dhacdo,” ayuu yiri Madaxweynaha Somalia.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in Guulahaas la gaaray loo xoojiyo ay tahay lagama Maarnaan in Hawlgal Millateri oo si Wanaagsan la isugu Dubbariday lagu Qaado Kooxaha argagixisada.

“Kooxda Al-shabaab Waxay doonayaan inay Shacabka Soomaaliyeed Niyada ka jabiyaan, isla markaana ay carqaladeeyaan hadafka aanu leenahay Sannadkan 2016-ka. Waxaa naga go’an inaan meesha ka saarno Argagixisada. Hadda oo aan idin la hadlayana Ciidanka XD Somalia iyo kuwa AMISOM waxay u dhaqaaqeen goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Al-shabaab, waxaana hubaal ah in dhawaan la soo afjari doono weerarrada ay wadaan ee ay ku banneysteen dhiigga shacabka,” ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu Madaxweynuhu madaxda shirka ka Qayb-gashey u soo jeediyay talooyin ay ka mid yihiin: Wada-shaqeyn iyo Xiriir joogto ah oo Dhex-mara Taliska Dhexe ee AMISOM iyo ciidamada Somalia, in la xoojiyo taageerada la siinayo barnaamijka dib u dhiska ciidamada Somalia oo iyagu ugu dambeyn hawsha kala wareegi doona AMISOM, xoojinta sirdoonka, Tababarka Ciidamada iyo in Weerarrada ka Dhanka ah Al-shabaab ay Noqdaan kuwo lagu beegsanayo bartilmaameedyada muhiimka ah ee Al-shabaab.

Dhanka kale, Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo isagana kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Ujeeddada shirka uu yahay mid lagu Taageerayo dadaalka uu wado Soomaaliya iyo Dowladdiisa ay ugu jiraan Xasilinta Somalia, isagoo si Gaar ah Hoosta uga xariiqey muhimadda ay leedahay barnaamijka dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Madaxa Guddiga Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Amniga iyo Nabadgelyada Ismail Chergui ayaa isagana sheegay in la isku Af-gartay in la Xoojiyo AMISOM, isla markaana ay Tas-hiilaad badan oo soo dadajin kara Guulaha Ciidamada Ururka Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya la bixiyo.

Smail Chergui ayaa intaas ku daray in Ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya mar walba la xusuusinayo, loogana fadhiyo inay dhawraan Xuquuqda Aadanaha, difaaca shacabka iyo inay ka Fogaadaan in la Waxyeelleeyo Shacabka inta ay ku jiraan Hawlgallooda ka dhanka ah Al-shabaab iyo kuwa dalka lagu Aslaaxinayo.

Mas’uuliyiintii kale ee ka qayb-gashay kulanka ayaa dhankooda iyaguna soo dhaweeyay horumarka Somalia ka jira, isla markaana beesha Caalamka ugu baaqay inay sii wadaan Taageerada lagu xajinayo Nabadda Soomaaliya.

Xigasho Hiiraan.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.