Qaraxyo Khasaare Xooggan sababay oo Gilgilay Magaalada Baydhabo iyo Maamulka oo ka hadlay

QARAX KA DHACAY BAYDHABO

Baydhabo(Aftahannews):- Ugu yaraan 20 Ruux oo Shacab u badan ayaa ku geeriyooday, 38 kalena way ku dhaawacmeen laba Qarax oo is-xigay oo ay Kooxda Al-Shabaab ka fulisay qaar ka tirsan goobaha ay Bulshadu isugu yimaaddaan ee gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ee Caasimadda Maamul-goboleedka Koonfur-Galbeed.

QARAX KA DHACAY BAYDHABO
QARAX KA DHACAY BAYDHABO

Qaraxyada ayaa lala beegsaday laba Goobood, Qaraxa koowaad oo loo adeegsaday Gaadhi Noha ah oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lala eegtay Makhaayad lagu magacaabo Redo, halka Qaraxa labaad uu fuliyey Qof isku soo xidhay waxyaabaha Qarxa oo isaguna isku qarxiyey gudaha Makhaayad lagu magacaabo Badar oo ku taalla Suuqa Afar-irdoonka ee gudaha Baydhabo. Dadkaas oo loola yaacay Cusbitaalka guud ee Baydhabo. Waxaanay Wararka qaar sheegayaan in dhimashadu ku dhawdahay illaa soddomeeye ruux.

Wasiirka Hub-ka-dhigista Maamulka Koonfur-Galbeed Xasan Xuseen, ayaa sheegay in  Shacab badani weerarrada Qaraxyada ah ee ay Al-Shabaab ka fulisay Baydhabo ku dhinteen, tiro intaas ka badanina ku dhaawacmeen. Waxaanu Wasiirka oo si kulul u cambaareeyey Qaraxaas uu Tacsi u diray Qoysaska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo Shacabka Koonfur-Galbeed iyo ka Soomaaliyeed oo uu uga tacsiyadeeyey dadka halkaas ku dhintay, inta dhaawacantayna waxa uu ALLAAH uga beryey inuu caafiyo.

Wasiirka Hub-ka-dhigista Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur-Galbeed, oo ka warramaya sida ay wax u dhaceen iyo tallaabada uu Maamulkiisu qaadayo, waxaannu warbixinta Warkiisa iyo weliba sida ay Baydhabo wax uga dheceen-ba idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.