Madaxweynaha, Masuuliyiinta Xisbiyada & Madaxda Dhaqanka Somaliland oo ka hadlay Geerida Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare

MARXUUM MAXAAMED CABDIRAXMAAN GADHYARE

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyeyaasha Xisbiyada KUKLMIYE, UCID iyo WADDANI, Salaaddiinta waawayn badi Madaxda Dhaqanka Somaliland, ayaa ka hadlay Geerida Naxdinta leh ee ku timi Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare oo Axaddii Maanta ku geeriyooday Cusbitaalka International oo ku yaalla magaalada Hargeysa oo uu muddo toddobaad ah ku xanuunsanayey.

MARXUUM MAXAAMED CABDIRAXMAAN GADHYARE
MARXUUM MAXAAMED CABDIRAXMAAN GADHYARE

Madaxweynaha, Masuuliyiinta Xisbiyada iyo Madaxda Dhaqankuba, waxay Marxuumka ALLAAH uga baryeen inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Shacabka iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu Aqoonyahannadiisa Marxuumku ka midka ahaa.

War-Saxaafadeed Qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa Madaxweynuhu kaga hadlay geerida Marxuumka, waxaanu qoraalka Dhambaalkaas oo soo gaadhay Aftahannews u dhignaa sidatan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu shacbiga ka tacsiyadaynayaa geerida ku timid marxuumiinta kala ah, Marxuum Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare iyo Marxuum Mujaahid Axmed Maxamed Xasan Awowo(Axmed Jabaan) oo Taariikhda maanta 28.02.2016 ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu wuxuu si gaara tacsidaa ugu dirayaa Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka bexeen.

Madaxweynuhu waxa uu labada marxuum ku sifeeyey kuwo magac ku lahaa dalka iyo dadkaba, iyagoo kala ahaa halgamaa ka soo qaybqaatay xorayntii wadanka iyo aqoon yahan door muhiima kaga jiray dib u dhiska iyo horumarka dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

Sidoo kale, Masuuliyiinta Xisbiyada Siyaasadda iyo Madaxda Dhaqanka Somaliland, ayaa Tacsi taas la mid ah u diray Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Shacabka iyo Guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare oo ay ILLAAHAY uga baryeen inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, inta uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.