Khasaaraha ka dhashay Weerar culus oo ay Al-Shabaab ka fulisay Huteel u dhaw Madaxtooyada Soomaaliya

QARAX AL-SHABAAB KA FULISAY HUTEEL SKY MUQDISHO

Muqdisho(Aftahannews):- Ugu yaraan 14 Qof oo ay ku jiraan Shan Al-shabaab ka tirsan, ayaa la sheegay inay ku Geeriyoodeen, tiro kalena way ku dhaawacmeen Qaraxyo iyo Iska-horimaad Fiidnimadii Caawa ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo Mas’uuliyadooda ay sheegatay Al-shabaab.

QARAX AL-SHABAAB KA FULISAY HUTEEL SKY MUQDISHO
QARAX AL-SHABAAB KA FULISAY HUTEEL SKY MUQDISHO

Al-shabaab ayaa Warbixin kooban oo ay soo saartay ku xustay inay Weerarradaan fuliyeen fuliyeen xoogaggooda ku sugan Muqdisho, iyagoo yiri. “Xoogaggeenna ayaa caawa weerar la beegsaday Hotel SYL, waxayna gudaha u galeen Hoteelka.” Waxayna intaa ku dareen in Weerarkan uu ahaa mid Qorsheysan.

Maxamed Ibraahim oo ka tirsan Saraakiisha Booliiska Soomaaliya, ayaa isagana AFP wuxuuu u sheegay sidan. “Qaraxa koowaad wuxuu ka dhacay beer ku dhow Hoteelka, kii labaad ayaa isagana ka dhacay meel ku dhow Hotel SYL, waxaanan arkay dhimashada 12-qof, intaasna way ka badan kartaa dhimashada.”

Xubno kale oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa iyaguna sheegay in 14 Ruux ay ku dhinteen Weerarrada, kuwaasoo ay ku kala sheegeen sagaal qof oo shacab ah iyo shan ka ka tirsanaa xoogagga Al-shabaab ee weeraray Huteel SYL oo kasoo horjeeda Villa Somalia.

Qaraxyadaan oo ahaa kuwo ay u dhexeyeen muddo 45-daqiiqo ah, ayaa waxaa xigay iska-hor-imaad dhexmaray kooxo hubeysan iyo ilaalada Hoteel SYL, iyadoo wararka qaarkood ay sheegeen in xoogagga Al-shabaab ay gudaha u galeen Hoteelka.

Dhanka kale, sarkaakiil ka tirsan booliiska Somalia ayaa iyaguna sheegay in Weerarradaan ay ahaayeen kuwo lala beegsaday Hoteelka SYL, kaasoo ay Al-shabaab ay Sannadkii lasoo dhaafay sidan oo kale u weerareen.

Ugu dambeyn, Isbtiaalka Madiina ee Muqdisho ayaa la gaarsiiyay dhaawacyada Sideed qof oo Weerarradan ay Dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, kuwaasoo isugu jiray Askar iyo dad kale oo shacab ah.

Si kastaba ha ahaatee, Weerarradan ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay Hoobiyeyaal lagu Weeraray Madaxtooyada Somalia, balse ku dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Hawl-wadaag iyo War-dhiigley ay ku Geeriyoodeen Shan ruux, kuwaasoo ay ku jireen kuwo isku Qoys ahaa.

Xigasho Hiiraan.com.