Taariikhdii Warbaahineed Ee Suxufi Marxuum Siciid Gurraase

Hargeysa(Aftahannews):- Allaah ha u naxariistee Marxuum Siciid Ismaaciil Xuseen (Gurraase) oo habeenimadii Jimcihii ee 11-ka bisha January 2014 ku geeriyooday duleedka magaalada Addis Ababa oo daawayn dhiig madaxa kaga furmay loogu sii waday, isla markaana galabnimadii Sabtidii lagu aasay qubuuraha Xeedho ee magaalada Hargeysa, waxa uu ahaa shaqsi taariikh ku lahaa saxaafadda Somaliland.

Marxuum Siciid Gurraase12

Haddaba, Marxuumka oo lahaa taariikh ballaadhan, waxaan halkan si kooban ugu tilmaamayaa xog ku saabsan waqtigii uu warbaahinta ku soo biiray iyo heerarkii uu la soo maray; “Alle ha u naxariistee Marxuum Siciid Ismaaciil Xuseen (Gurraase) waxa uu sannadkii 1994-kii ahaa wakiilka dalka Jabuuti ee Wargeyskii Codka Hargeysa. Badhtamihii isla sannadkii 1994-kii waxa uu weriye u noqday wargeyskii Dhambaal ee Hargeysa ka soo bixi jiray waqtigaasi. Sannadkii 1995-kii markii la aasaassay in hab casri ah loo soo saaro Wargeyska Jamhuuriya sannad kadib (1995) waxa uu Marxuumku noqday wariyaha Jamhuuriya ee Jabuuti.

Marxuumku Alle ha u naxariistee wixii ka dambeeyey shirkii Carta waxa uu u soo wareegay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, isagoo ka mid noqday muddo dheer hawlwadeennada wargeyska Jamhuuriya. Markii dambena waxa uu ka soo shaqeeyey wargeysyada Haatuf, Maalmaha, Waaheen, Xogogaal iyo Himilo oo uu hadda tifaftire guud ka ahaa intaanu geeriyoon.

Marxuum Gurraase waxa uu caan ku ahaa falanqaynta iyo faaqidaada wararka gudaha iyo dibadda, si gaar ahna waxa uu wax uga qori jiray daraasado dahsoon oo la xidhiidha siyaasadaha Geeska Afrika iyo bariga Dhexe. Alle ha u naxariistee marxuumku waxa uu ahaa shaqsi afgaaban oo hawlkar waxqabadkiisu muuqdo ah.

Innaa-ileyhi Waa-Inaa Ileyhi Raajicuun, waxaan Allaah uga baryaynaa Marxuumka inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Ehelka, Qoyska, Asxaabta iyo guud ahaanba Saxaafadda Somaliland iyo Soomaalida ee uu  ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.