Garyaqaan Fasiray Qoddobo Su’aal Geliyey Sharciyadda loo Cuskaday Xadhigga Ganacsade Cumar Ceydiid

GARYAQAAN MAXAMUUD CABDIRAXMAAN XAAJI NUUR

“Ninkii Qeyrkii Loo Xiirrayoow Soo Qoyso Adiguna”: GUDAHA KA AKHRI Nuxurka Falanqeyn Sharci Oo Garyaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan Nuur Ku Cabiray Qaddiyada Ganacasadaha Iyo Mad-madowga Ku Jira Qaabka Loo Xidhay.

GARYAQAAN MAXAMUUD CABDIRAXMAAN XAAJI NUUR
GARYAQAAN MAXAMUUD CABDIRAXMAAN XAAJI NUUR

Sida Warbaahinta badankeedu baahisay, waxa magaalada Hargeysa lagu xidhay Ganacsade Cumar Caydiid Axmed, ahna Ganacsadaha dhisay golihii murtida iyo madadaalada Hargeysa (Theater-ka), waxaanu xadhigaas iyo kuwa la midka ah ee muwadiniinta iyagana la xidho, mar walba aynu maqalnaa, “Waaran Maxkamadeed oo qabasho amraya boolisku may haysan”.

Tusaale ahaan Cabdikariim Axmed Mooge oo la socday markii ganacsadde Cumar Caydiid la xidhayey ayaa warbaahinta uga sheekeeyay qaabkii loo qabtay ganacsaddaha wuxuna yidhi “Qofka marka la xidhayo ee aanuu fal-danbiyeed gacmaha kula jiro waxa la soo jaraa waaran Maxkamadeed, laakin Cumar Caydiid laguma xidhin waaran Maxkamadeed ee si sharci-darro ah ayaa xuquuqdiisi uu xaqa u lahaa ku waayay.”

GANACSADE CUMAR CAYDIID
GANACSADE CUMAR CAYDIID

Cabdikariim wuxuu sheegay isagoo la hadlayey warbaahinta “Saacada la xidhay waxay ahayd 2:45 duhurnimo, isaga oo markaas ku sugnaa aqalkiisa uu ku leeyahay Magaalada Hargeysa…”

Hadal haynta badan ee xadhigan ay dadka badani kaga hadlayaan ayaa Garyaqaan ahaan aan doonayaa inaan ka hadlo, gaar ahaana wixii sharcigu ka qabo aan halkan ku iftiimiyo, balse ka hadli maayo? Arrinka la sheegayo in uu ka dhashay ee ah dhulka uu maal-galinta ku sameynayey, oo la sheegayo in la siiyey cid kale halkii hore isaga loo siiyey, taas waxa aan qabaa in uu leedahay hayad qaabilsan oo ah garsoorka, kaligeed leh ka garnaqa hantida la isku hayo.

Xadhiga Iyo Baadhistu, sharci ahaan waa in si taxadir leh loo fuliyo, maxaa yeelay? Awooddaha xadhiga ee la siiyey hayadaha amaanka, waxaa ay tahay in ay u maamulaan awoodahaas qaabka sharciga ah oo qudha.

Xadhig dhaafsan sharcigu ma aha in la fuliyo habayaraatee, mana noqonayo xadhig sharci ah, ee waa xadhig aan sharci ahayn( sharci darro), sababtoo ah waxa jirta in wadanku leeyahay shuruuc, kuwaas oo lagu talo galay in lagu illaaliyo dadka hantidooda iyo naftooda, si loo illaaliyo labadan arrimood waxa jirta in la siiyey ashkhaas kamid ah bulshada awoodda ay ku illaaliyaan labadan, awooddaas oo ah tan xoog ee ay ku qabtaan ashkhaasta iyagu ku haya labadan arrimood khatarta, balse ma aha kuwa iygu faaidada u ah bulshada.

Somaliland Waxa ay leedahay dastuur ay 96 % u codeeyeen, oo ansax ah. Dastuurku waa sharciga ugu sareeya wadanka, wixii ka soo horjeedaa waa waxba kama jiraan. Qodobka 25(2) ee dastuurku wuxuu sheegayaa “Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.” Waxa qodobkan shuruud ka dhigay laba arrimood, ta hore waxa ay tahay “haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin.”

Waxa shuruud ah in uu dambi faraha kula jiro qofka la xidhayaa, dambi ayuu faraha kula jiray waxa la odhan karaa, markuu sida uu dhigay Qodobka 37(1) ee Xeerka Habka Ciqaabta(XHC), oo ah kan qeexa ereyga “ruux lagu qabto fal dambi faraha kula jiro)) waxa loola jeedaa ruuxa ah ka: (a) lagu qabto fal uu ku galayo dambi; (b) uu raad ceeyo isla markii uu dhacay dambigu boolisku”.

Dambi waxa uu faraha kula jiraa, marka uu qabto sarkaal boolis isagoo dambigii ku guda jira, oo ah micno ahaan in uu isagoo sameynaya ku soo baxaan ciidanka boolisku ama isagoo haysta hubkii dambiga lagu galay.

Ta labaadna, waxa ay tahay haddii intaasi aanay jirin oo aanu dambi faraha uu kula jiray aanay jirin waa in ay jirto shuruuda labaad ee qodobka 25(2) “ Haddaba, ereyga sababeysan wuxuu yahay in garsooraha soo saaraya amarka qabashada ay horkeeneen ciidaanka amaanku sabab macquula oo taas uu u soo saarayo amarka xadhiga, haddii kale oo aanu sabab haysan ma aha in uu soo saaro amarkaas. Sababtaas ayuu dastuurku taas u waajibiyey, oo ereygaas loogu daray dastuurka, si aan markaas waxaan sabab lahayn loogu qaban dadka.

Haddaba, xadhiga la xidhay Ganacsade Cumar si aynu sharciga ugu eegno waa in uu noqdo mid la qabtay isagoo dambi faraha kula jira ama amar maxkamadeed lagu qabtey, haddii labadaasi ay jiraan xadhigiisu waa sharci, haddiise aanay jirin ma aha ma aha xadhigaasi mid sharci ah.

Waxa sida sare aan ku soo sheegay jirtay in uu sheegay qof goobtaas joogay, in laga qabtey gurigiisa oo muujinaysa in aanu dambi faraha kula jirin, iyadoo goob joogeyaashuna inoo sheegeen in aan amar maxkameedna jirin.  warbaahinta u sheegay in aan amar maxkamadeed aan lagu qaban wakhtigii la xidhay mana jirto sidii uu sheegay dambi loo sheegay in uu faraha kula jiray oo lagu xidhay.

Haddii labadasi aanay jirin, waxa su’aal noqonaysa, maxaa uu sharcigu taas ka yidhi? Dastuurka Qodobkiisa 25(3) “Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha.” Dawladu waxa uu dastuurku saaray waajibka ah in ay dadka u damaanad siisay in loo illaaliso xorriyadaha, waxa ka mid ah xorriyada ah, in aan qofka la qaban ama la baadhin iyadoon taas sharci loo marin.

Haddii aan markaasi qofka la qabantay aan loo marin wadada aynu sare ku sheegnay, waa mid uu ka digay dastuurku eeg qodobka 25(1) sheegay sidan “Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.” Xadhig kasta oo xorriyad qof lagaga qaadayo, waa in uu yahay mid sharciya, waxa sharciya kaliya kan aynu sare kaga hadalney, haddii aanu ahayn xadhigu kaas waa mid baadil ah oo sharciga aan meelna ku lahayn.

Xadhig kasta oo baadil(sharci darro ah), wuxuu dastuurku sheegay in ay ciqaab ka dhalaneyso kuwa ku kacayna ay tahay in laga abaal marin doono waa siduu qabo dastuurka Qodobkiisa 25(3) “Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad gudubkooda.” Waxa looga jeedaa, in haddii la sameeyo xadhig aan sharci ahayn kuwa ku kacay laga abaal marin doono, sidaasna xeer dhigay la sameyn doono, Xeerkaas wuu jiraa, waxa muhiim ah in la hor keeno, kuwa xad-gudubyadaas caadeystay, haddii kale taasi waxa ay keenaysaa in nidaamka dawladnimo ee aynu sameysaney dadka laga aamin bixiyo iyadoo loo daneynayo dad gaara.

Gebo-gebaddii:
arrinta xadhigyada soo noqnoqday ee markasta lagu xidho bulshada, waa mid u baahan in aanay noqon mar kasta hebel, ee bulshadu is waydiiso, maxa keenay in loo dhaafo wixii aynu dhiganay ee aynu isku ogeyn oo ah dastuur iyo sharci, haddii taas lagu kacay waxa qudha ee hadhay waa qof kasta inta ay galeyso gurigiisa, waan hubaa in ay taasina dhici doonto oo aanay ku eekaaneyn ka ay ku dhacday ka kale ee dhageysanayaa waa hubaal in ay soo gaadhi doonto goor ay noqotaba. Sidaas darteed, waxaan bulshada guud ahaan ku war-gelinayaa in ay ku baraarugsanaato xaqa dastuur ee ay leeyihiin in ay ku baraarugsanaadaan oo ay illaashadaan. Cumarna, waxaan leeyahay ku raadso xaqaaga si sharci ah, ee ha ku raadsan.

Qalinkii iyo Falaqayntii:

Garyaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan Nuur

mohomoud@watershedlegal.com

Hargeysa/Somaliland.