Xil: Siciid Cilmi Rooble oo Kashifay in Dahabshiil Bank & Salaama Bank dhibaato ku hayaan Somaliland

“Waxaa loo jeedaa wax kale, oo waxa la doonayaa in Dahabshiil Bank iyo Salaama Bank inna haystaan oo aan dalka iyo dadka waxba u kordhin…Nidaamka Islaamiga ah ee ay sheegaan inay ku shaqeeyaan waxba kama jiraan, 13%-kiiba Ribo ah ayey dul-saaraan haddaad tidhaa Guri baan rabaa inaan dhisto oo Maalgashi u doonato, halka Baanka Faransiiska iyo ka Ingiriisku 03%-kiiba kaa qaadayaan..Waxaan ummadda Somaliland u sheegayaa Rag Culimo ah oo Sheerar ku lihi inay ka hadli doonaan oo… Mid baan idiin sheegayaa Dahabshiil Bank iyo Salaama Bank (Telesom) Caalamka toos uguma xidhna, Baananka ay inna leeyihiin Ribo ayey sameeyaan ayey wax la maraan oo ay ku xidhan yihiin…” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si hufan uga hadlay Xeerka Baananka Somaliland oo Golohoodu gacanta ku hayo, isla markaana waxa uu sharraxay inay jiraan qodobbo ka hor-iman kara Diinta Islaamka, balse waxa uu ku dooday in hirgelinta Xeerkaasi muhiimad wayn u leeyahay dalka iyo dadka Somaliland.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo Saxaafadda la hadlay Arbacadii Maanta, ayaa si qoto dheer uga hadlaya Xeerkaas, sida ay isugu milmeen Ganacsatada iyo Xukuumadda Somaliland, isla markaana dhibaatada sicir-bararka ay iskaashigooda Doollar urursigu horseedka u yahay, waxa uu sheegay inay Xeerka Baananka qodobbada ka hor-imanaya Diinta Islaamka ama Ribada iyo Dul-saarka sheegaya ay beddeleen, lana ansixin doono maalmaha soo socda sida la filayo.

Hase-yeeshee, dhibaatada uu u socon la’yahay Xeerkaas ay wadaan Xukuumadda iyo Shirkadaha Ganacsiga, gaar ahaan Baananka Salaama ee Shirkadda Telesom iyo Dahabshil Bank oo ka mid ah Dahabshiil Group oo iyagu sheegta inay ku shaqeeyaan nidaam Islaami ah, balse ay Ribo iyo Dulsaar ku shaqeeyaan, rabiinna in Baanan caalami ahi iman karaan dalka Somaliland oo ay iyaguuni joogaan.

Md. Siciid Cilmi Rooble oo ah Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda, Shuruucda iyo Xuuqda Aadamaha ee Golaha Wakiillada Somaliland, waxaanu ka digay Niman Culimo sheegta oo uu sheegay inay Sheerar ku leeyihiin Shirkado Ganacsi oo ka hor-iman doona Xeerka ay dejiyeen ee Baananka, kuwaasoo ku doodi doona inuu Xeerku ka hor-imanayo Diinta Islaamka, balse waxa uu Bulshada ugu baaqay inaanay arrimahaas waxba ka jirin ee ay dad dan lihi soo abaabuli doonaan oo aanay Shacabku rumaysan.

Haddaba, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo qodobbadaas iyo kuwo kale oo badan ka hadlaya, Sheegayana in Dahabshiil Bank iyo Salama Bank Caqabad ku yihiin inay Somaliland yimaaddaan Baanan caalami ah oo iyaga ka madax-bannaan ama shaqada ay qabanayaan oo kale qabanaya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.