Madaxweynaha Somaliland oo Shaaciyey in Daraasad lagu samaynayo Dhibaatada E-Dahab & Zaad

ADEEGYADA E-DAHAB IYO ZAAD EE SHIRKADAHA TELESOM IYO SOMTEL

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday in Xukuumaddiisu markii koowaad Daraasad ku samaynayaan Adeegyada Lacagta Taleefanka Gacanta la isugu diro ee ay bixiyaan Shirkadaha TELESOM iyo SOMTEL ee Zaad iyo E-Dahab, Daraasaddaas oo uu sheegay inay ku ogaanayaan saamaynta ay Sicir-bararka ku leeyihiin Adeegyada E-Dahab iyo Zaad-ku.

ADEEGYADA E-DAHAB IYO ZAAD EE SHIRKADAHA TELESOM IYO SOMTEL
ADEEGYADA E-DAHAB IYO ZAAD EE SHIRKADAHA TELESOM IYO SOMTEL

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey halista Sicir-bararka saamaynta ballaadhan ku haya dalka Somaliland, Kor-u-kaca Sarrifka Doollarka iyo Hoos-u-dhaca Lacagta Shilinka Somaliland, mar uu Isniintii Maanta Khudbad ka jeediyey Fadhi wada-jir ah oo ay labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiilladu ku yeesheen xaruntooda Hargeysa oo uu Madaxweynuhu hor-tegay, isla markaana Khudbad-sannadeedkiisa Dastuuriga ah ka hor-jeediyey, ayuu ku soo hadal-qaaday Daraasaddaas ay ku samaynayaan Adeegyada ZAAD iyo E-DAHAB.

Waxa uu Sheegay Madaxweynaha Somaliland inay Daraasaddaas ku ogaanayaan doorka ay dhibaatada Sicir-bararka ku leeyihiin Adeegyada Zaad iyo E-Dahab, kuwaasoo ay dad badan oo Aqoon fiican u leh arrimaha dhaqaalaha oo kuwo waddani ah iyo kuwo caalami ah isugu jiraa-ba tilmaameen ama ku doodaan in Sicir-bararka Somaliland ka jira door wayn ku leeyihiin adeegyada Lacagta la isugu diro Taleefanka Gacanta ee Zaad iyo E-Dahab.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) qaybta uu Khudbaddiisa kaga hadlayo Sicir-bararka, Qaaliga qiimaha Doollarka Maraykanka iyo hoos-u-dhaca Lacagta Shilinka Somaliland iyo Daraasadda ay ku samaynayaan Adeegyada ay bixiyaan Shirkadaha Dahabshiil iyo Telesom oo aannu gaar uga soo saarnay Khudbaddiisa, waxa ay u dhingayd sidatan:-

4.   Qiima Dhaca Iyo Isticmaalka  Shillinka Somaliland — Mudanayaal iyo Marwooyin,

Dalkasta oo dunida ku yaal wuxuu leeyahay calan iyo cumlad u gaar ah. Lacagta Qarankani uu leeyahay waa Shillinka Somaliland. Waxaa hubaal ah in lacagteenii uu ku yimi qiimo dhac, ka dib markii ay suuqa iyo seyladda ganacsiga ku cidhiidhyeen lacago qalaadi. Taasi waxay keentay in lacagteenii ay soo ururto isticmaalkeedu. Haddaba, si aynu uga badbaadno dhibaatooyin siyaasadeed, dhaqaale iyo lacagteena oo sii qiima beesha. Waxaa xukuumadayda ka go’an in ay xaqiijiso arrimahan:

1)  Waxaannu suurto gelinaynaa in lacagta Shillinka Somaliland noqoto cumlada rasmiga ah ee wax lagu kala iibsado. Waxaa waajib ah in bulshadu wax ku kala iibsato ama wax isku weydaarsato lacagteena, dhamaan Goobaha Ganacsiga sida Huteelada, Dugsiyada Waxbarashada, Suuqyada kala duduwan, Seyladaha Xoolaha iyo wixii la mida.

2)  Waxaa bartilmaameed inoo ah in qiimaha sarifka dollarka ee Shillinka Somaliland la gaadhsiiyo 6,000 oo Shillin. 3)  Waxaannu xoojinaynaa isla markaana dardar  gelinaynaa Awoodaha Baanka Dhexe ee Qaranka, si uu u xakameeyo sicir bararka iyo sarifka lacagaha.

4)  Waxaannu ku gudo jirnaa diyaarinta iyo daah furka daraasad  qotodheer oo lagu xaqiijinayo in adeegga Zaad-ka iyo E-Dahabka ku shaqeeya lacagta dollar ka ah ay qayb ka yihiin qiimo dhaca Shillinka Somaliland.

5)  Sidoo kale, waxaa daraasadaa lagaga gun gaadhi doonaa in lacagta sarifka Shillinka Somaliland ee gacanta u gashay Ganacsatada Waaweyn ee Bangiyada, Xawaaladaha iyo Jaadwalayaasha ay saamayn ku leeyihiin ama qayb ka yihiin qiima dhaca Shillinka Somaliland. Arimahan aan kor ku soo sheegnay haddii  cilmi baadhistaasi si dhab ah u xaqiijiso, waxaa lagama maarmaan ah  in aanu go’aamo adag ka qaadano si loo helo xal waara.

6)  Waxaannu Shirkadaha iyo Shacbi Weynaha Somaliland ku dhiiri-galinaynaa in ay lacagta dalkooda ku isticmaalaan adeegyada casriga ah ee Zaadka iyo E-dahabka. 7)  Waxaannu dhiiri gelinaynaa in dalka ay yimaadaan Maal-gashadayaal, Shirkado Ganacsi iyo Bangiyo Caalami ah, si dhaqaaleheenu u kobco.

8)  Si aynu u helno lacag adag oo dalka ku soo noqota, isla markaana loo yareeyo wax yaalaha la inoo soo dhoofiyo, waxaan ku dhiiri-gelinayaa shacbigayga in ay xooga saaraan Wax Soo Saarka, Dalaga  Beeraha, Shaqa Abuurka, Xoolaha Nool, Beeyada, Kalluunka iyo wixii la mid ah, kuwaas oo ah khayraad alle inagu manaystay bad iyo berrina dhulkeena buuxiyey.

9)  Waxaan Shacbiga Somaliland u damaanad qaadayaa in aanay is dhex geli doonin hantida Qaranka keyd ka u ah ee Bangiga Dhexe ka mas’uulka yahay, iyo hantida ay xukuumadaydu isticmaasho. Arrintani waxay ka hortag iyo xal waara u tahay in aanay suuqyada hafin lacago dheeraad ku ah Shillinka Somaliland, taas oo aan dawladda dakhli ahaan u soo gelin ama aanay xoogsan.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.