Qaramada Midoobay oo Sheegtay in Adeegga ZAAD ee TELESOM Hor-seeday Sicir-bararka Somaliland ka jira

Hargeysa(Aftahannews):- Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Cuntada ee loo soo Gaabiyo FAO, ayaa Warbixinteeda ku sabsan Cilmi baadhista Sugidda Cuntada ee sannadka 2015-ka waxa ay ku sheegtay in adeegga lacag isugu dirista ee ZAAD ee Taleefanka Gacanta (Mobile-ka) ee Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom uu qayb weyn ka qaatay Sicir-bararka ka jira dalka Somaliland.

a zaad service banner

Warbixintan ay hay’adda FAO waaxdeeda cilmi-baadhista sugida cuntada ee loo yaqaano FSNAU diyaarisay ayaa waxa ay ku soo bandhigtay warbixinta sugida cuntada iyo waxyaabaha saamaynta ku yeeshay sanadkan gabo gabada ku dhaw ee 2015.

Cilmibaadhistan ay hay’addu ku samaysay sugida cuntada Somaliland iyo Somalia oo ay ka diyaarisay buug ka kooban 124 bog ayaa waxa ay ku sheegtay in adeega ZAAD sababay korodhka sixir bararka dalka ka jira iyo sugnaan la’aan dhinaca Sarifka lacagaha qalaad ee laga isticmaalo dhulalka Somaliland iyo Somalia.

Warbixintan cilmi baadhista hay’adda FAO samaysay oo ay ku baahisay bogeeda waaxda sugida cuntada ee fsnau.org waxa sidoo lagu tilmamaay in adeega ZAAD uu sababay qiima dhac ku yimaada lacagtii dalka ee ay ka mid ahaayeen Somaliland Shilling (SLSH).

Warbixinta Cilmibaadhista sugida Cuntada ee Hay’adda FAO samaysay ayaa lagu yidhi “Lacagaha Somali Shilling (Lacagta Somalia) iyo Somaliland Shilling oo laga isticmaalo dhulkaasi, isla markaana Suuqyada Bakaaraha ee Muqdisho iyo Hargeysa oo ah goobo Ganacsi oo waaweyn, ayaa intii u dhaxaysay January ilaa July heerkoodu bedelka lacagaha qalaad deganaa, taasi oo uu hoos u dhacay qiimaha lacagta wadamadan oo lagu bedelayey $ 1 Dollar qiime u dhigma 7175 SLSH (Todoba kun iyo boqol shilin Somaliland) iyo 22500 (Laba iyo labaatan kun shillin) Somalia ah, waxaana qiimaha lacagahaasi hoos u dhac ku yimid boqolkiiba (6-13%)”.

Warbixinta ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay “Tani waxa ay yaraysay wareegii lacagta Dollarka ah suuqyada dhex wareegaysay, taasi oo ka timid xadidaad ay xadiday adeega lacag isugu dirista mobilada ee ZAAD kaasi oo yareeyay lacagta Dollarka ah ee suuqyada ka dhex shaqaysa dhulka Somaliland”.

Dawladda Somaliland ayaa hawlgal aan guulaysan iskugu dayday horaantii sanadkan wax ka qabashada kor u kaca qiimaha sarifka lacagaha Qalaad iyo degitaan la’aanta lacagta SLSH, taasi oo ay sabab u ahaayeen adeega lacag isugu dirista Mobileda ee ZAAD oo ay leedahay shirkada Telesom.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa Bilhii March iyo April ee sanadka 2015-ka la kulantay shirkadaha isgaadhsiinta si sixir bararka wax looga qabto, waxaanay ku dhawaaqeen inay adeega lacag isugu dirista ay u bedelayaan SLSH, balse adeegaasi oo aan si fiican u shaqayn sixir bararkiina wuu sii kordhay.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ayaa horaantii Bisha December 2015 magacaabay guddi ka soo talo bixisa sixir bararka dalka ka taagan, waxaanay guddidaasi kulan ay madaxweynaha la qaateen 16 December ku sheegeen inay la kulmeen wasaaradda Maaliyadda iyo Sariflayaasha una hadhsan yihiin inay Shirkada Telesom iyo shirkado kale oo la mid ah la kulmaan, iyada oo warbixintan ku soo beegmaysa xilli aanay qarsoonayn heerka sixir bararka iyo qiime dhaca lacagta Somaliland Shilling ee dalka ka taagan muwaadiniinta si weyn u taabatay.

Turjumaadda Bahda Aftahannews

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.