Isku Aadka Wareega 16ka Kooxood Ee UEFA Champions League+Sawiro

Swizerland(Aftahan News)-Xidhiidhka kubadda Cagta ee Qaaradda Yurub ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan  [UEFA] ayaa si rasmi ah u shaaciyay isku aadka 16-ka koox ee tartanka horyaalka Qaaradda Yurub ee Champions League.

2318657_w2

Isku-aadkaan oo lagu sameeyay magaalada Nyon ee waddanka Switzerland oo xarun u ah xiriirka Kubadda Cagta Yurub ayaa waxaa kooxaha ugu adag ee isku soo beegmay ka mid ah; Arsenal iyo Barcelona iyo Roma iyo Real Madrid.

Champions-League-draw-655x360

Kooxdii ugu soo horreysay ee la qabtay ayaa ahayd kooxda Gent ee dalka Belgium ayaa ku aadday kooxda Wolsburg, waxayna labada koox midii soo baxda ay noqon doontaa markii ugu horreysay oo u soo gudbta wareegga siddeedda.

Champions_League_Wareegga_16

Sidoo kale, kooxda PSG ayaa ku aadday Chelsea oo ay sannadkii saddexaad  isku soo aadayaan; iyadoo Chelsea markiiba soo dhawesay inay ku beegantay kooxda PSG.

Marka la eego isku-aadka Champions League ayaa waxaa kooxaha ugu waaweyn ee isku soo aaday ka mid ah Arsenal iyo Barcelona, iyadoo kooxda Barcelona oo ka dhisan dalka Spain ay afka ciidda u dartay sannadkii hore kooxda Arsenal.

Kooxda Juventus ayaa iyadana ku aaday kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka, iyadoo labadaan kooxoodna ay ka mid yihiin kooxaha ugu adag ee wareeggaan isku soo beegmay. Iyagoo horay ciyaaro adagi ay ugu dhexmareen horyaalkan.

Waxaa kaloo isku aaday kooxaha PSV iyo Atletico Madrid oo soo gaartay. Waxaa kaloo isku soo aaday kooxaha Benfica iyo Zenit, iyadoo kooxahana tii soo baxda ay u soo gudbi doontaa wareeggan midka xiga ee sideedda kooxood.

Manchester City oo ka dhisay dalka Britain ayaa iyadana ku dhacday Dynamo Kyiv oo ka dhisan Ukrain, iyadoo labadan kooxood ay ciyaaro wanaagsan soo bandhgieen wareeggii hore ee horyaalka UEFA Champions League.

Ugu dambeyn, cayaarta uGu horreysay ee wareeggan ayaa waxaa la ciyaarayaa 23-ka bisha Feberaayo ee sannadka 2016-ka, iyadoo kooxaha Barcelona iyo Arsenal ayaa ku yeelanaya ciyaartooda ugu horreysa garoonka Arsenal ee Emirates Stadium oo ku yaalla London.

 

Aftahan News

Aftahaninc@gmail.com