Madaxweyne Xasan Shehekh oo ka warramay muhiimadda Nabad-sugidda Soomaaliya

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidammada Nabad-sugidda Soomaaliya oo xalay sannad-guuradoodii 44-aad la xusayey, waxaanu sheegay inay Nabad-sugiddu yihiin halbawlaha Qaranka.

201419635248254256518165IMG_8383

Madaxweyna Xasan Sheekh oo oo xalay ka qaybgalay Munaasibadda xuska sannad-guurada 44-aad ee kasoo wareegtay aasaaska Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka (NISA), ayaa sheegay in Hay’adda Nabad-sugiddu ay hormuud u tahay amniga iyo nabadeynta Soomaaliya.

Xafladdaas ayaa waxaa ka qaybgalay Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda C/weli Sheekh Axmed Maxamed, sii hayaha xilka Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirradda arrimaha dibedda, sii hayaha Wasiirka arrimaha gudaha iyo xubno ay ka mid yihiin Taliyeyaasha Ciidammada, Maamulka gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yiri; “Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan shaqaalaha hay’ada Nabad-sugidda, xaasaskooda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Maalintii la aasaasay hay’addan waxay Soomaaliya kaga baahi badan tahay maanta, waayo waxa jira maanta ma jirin maalintaas.”

“Dowladduna waxay ahmiyad gaar ah siisay amniga oo dhaqaalaheeda kooban ay u hurtay. Waxaan ammaanayaa hay’adda nabadsugidda oo sannadkii lasoo dhaafay howlo muhiim ah ka qabatay dalka kana hor-tagtay falal amni-darro lala damacsanaa shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ku guuleysteen inay falalkii ka dhacay maxkamadda iyo xaradii QM ay si deg-deg ah u soo afjareen isla markaana ay ku wada dileen kooxihii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyay munaasabaddaas.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday Garoowe oo uu yiri; “Waxaan u hambalyeynayaa Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo ku guulaystay xilka madaxweynaha Puntland, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu xilkiisa u sahlo.”

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa sheegay in dowladda federaalka Somalia ay diyaar u tahay inay wax allaale iyo waxii lala qaban karo Puntland ay la qabato, isla markaana aan si wadajir ah uga wada shaqeyn doono arrimo ay ka mid yihiin sidii dalka federaal looga dhigi lahaa; dalka oo dhan loo xasilin lahaa.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii ku timid abwaan Aw-Jaamac Cumar Ciise oo maalmo ka hor dalka Jabuuti ku dhintay. “Marxuum Aw Jaamac waxuu ahaa qoraa Soomaaliyeed oo taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliyeed wax badan ka qoray, waxuuna nooga wada baahan yahay inaan wada xasuusanno oo aan u wada duceyno.” Sidaa ayuu yiri Madaxewynaha Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh.

Dhanka kale, Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya iyo sii hayaha xilka Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo hadallo ka jeediyay Xafladdaas, ayaa sheegay in Hay’addu ay howlo badan qabatay, isla markaana ay howlaheeda sii xoojin doonto sannadaha soo socda si looga hortago khataraha shacabka kusoo waajahan ee dhinaca nabadgelyada.

Afahannews.com

Muqdisho/Office/Soomaaliya.